Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Masaafuriyay Jabuuti.
  • Allposts
  • Warar

Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Masaafuriyay Jabuuti.

April 29, 2024

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Ingiriiska, ayaa shaaciyay in lagu xiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti, ka dibna laga masaafuiray guud ahaan dalkaasi, sababo la xiriirta in uu dhaleecayn u jeediyay dowladda Shiinaha.

Tim Loughton, oo soo noqday wasiir hore ayaa ka mid ahaa 7 xubnood oo ay horay cunaqabatayn ugu soo rogtay dowladda Shiinaha, waraysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in Jabuuti ay muddo saacado ah u xirtay, sidoo kalena u tarxiishay xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Biijiin.

Tim Loughton, oo hadda xubin ka ah Konserfatifka ee haya talada dalka, ayaa sheegay in in ka badan 7 saacadood oo xiriir ah lagu xiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti billowgii Aprill, lagana mamnuucay in uu gudaha usii galo Jabuuti.

Loughton, ayaa sheegay in Jabuuti ku yimid 8-dii bishan Abriil booqasho uu qorsheeyay inay qaadato muddo 24 saac ah, isagoo ujeedkiisu ahaa in uu la kulmo safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Jabuuti.

Waraysi uu siiyay wargeyska Daily Telegraph, ayuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in cabsigelinta, xarigga iyo ceyrinta uu kala kulmay Jabuuti ay tahay mid ulakac ah oo ka dhalatay dhaleeceyntii uu u jeediyay dowladda Shiinaha, waa sida uu hadalka u dhigaye, taasina ay tahay caga-juglayntii ugu dambeysay oo ay muddo saddex sano ah la kulmaan 7-da xildhibaan ee ay cunaqabataynta kusoo rogtay dowladda Shiinaha.

Xildhibaanka la cayriyay ayaa sheegay in uu dhacdadaasi la wadaagay Andrew Mitchell, oo ah ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska, safiirka u fadhiya dalkaasi ayuu sidoo kale sheegay in la gaarsiiyay warqad uu ku muujinayo hab-dhaqanka foosha xun ee uu kala kulmay Jabuuri.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Jabuuti ayaa dhankiisa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn isagoo ku tilmaamay eedda xildhibaankaasi Biritish-ka ah hadallo la sameeyay oo aflagaado ah oo la isku dayay in lagu sumcad dilo Shiinaha laguna xumeeyo xiriirka Shiinaha iyo Ingiriiska.

Shiinaha ayaa 2021-kii cunaqabatayn ku soo rogay todobo xildhibaan oo uu ku jiro Tim Loughton, sababo ku aaddan waxa ay ugu yeertay faafinta xogo been ah oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Xinjiang.

Dowladda Jabuuti waxay dhiggeeda Shiinaha ka heshay balaayiin doolar oo maalgashi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin in loo dhisay garoon cusub, isbitaal, deked, goob ganacsi oo ku habboon wax soo saarka iyo xarumo bakhaar ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -20-10-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-10-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026
Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada