Maalinkii siddeed iyo tobanaad oo xiriri ah waxaa mandiqada loo bixiyay bariga dhexe kusii fidaysa colaada udhaxaysa Maraykanka iyo Yahuuda oo isku dhinac ah iyo dowlada Iiraan iyo xulafadeeda.
Diyaaradaha dagaalka maamulka Yahuuda ayaa shalay gudaha Dahraan ka fuliyay duqeyno aad uclus iyadiidoo sidookale gobolada ay ka dhaceen weeraro kale.
Afhayeenka ciidanka Yahuuda ayaa shir jaraa’id uuqabtay ku sheegay in ay dileen taliyihii ciidanka Baasiij ee kamid ah garabyada ciidan ee xukumada Dahraan ninkaan ayaana la sheegay in lagu qaarijiyay magaalada Dahraan.
Sidoo kale maamulka sahaayinada ayaa sheegay in howlgalladii ay shalay fuliyeen ay ku beegsadeen Cali Laarjaani oo ah masuulka ugu sareeya golaha amniga Iiraan, ninkaan ayaana muhiim u ah xukumada Dahraan.
Laarjaani ayaa dhankiisa xalay faafiyay fariin ka koobneyd ilaa lix bog, kuwaas oo digniin ugu dirayay dowladaha Reer Galbeed isaga dhanka kale handaad udiray dowladaha khaliijka oo uu sheegay in qeyb ka yihiin colaada.
Dowlada Iiraan ayaa dhankeeda xalay ilaa iyo saaka waxay weeraro sawaariikh ah ku garaacday magaalooyinka waaweyn ee xooga lagu haysto ee dhaca dhulka Filistiin,sawaarikh dhowr ah ayaana ku hoobatay goobo ay kamid yihiin magaalada Tal’abiib.
Dhankeeda Wasaarada Caafimaadka Yahuuda ayaa tirakoob ay soo saartay waxay ku sheegtay in tan iyo dagaalka ay ka dhaawacmeebn ilaa 3530 ruux.