Bloomberg oo ah warbaahin caalamiya oo fadhigeedu yahay waddanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday qorshayaal halis ah oo maamulka Yahuuddu uu ka wado gudaha deggaannada uu gacanta ku hayo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Warbixintu waxay sheegtay in maamulka Talaabiib uu gudaha Somaliland ka abaabulayo ajandeyaal amni oo ka dhan ah ururka xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh dowladda shiicada Iiraan.
Warbixintu waxay xustay in dhulka xasilloon ee Somaliland uu haatan yaboohsanayo haliso badan, maadaama ayay tiri mashruuca Yahuuddu uu yahay in deggaannadaasi ay usoo rarto difaaceeda ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.
Saraakiil Sahaayino ah ayay warbixintu xustay inay diyaarinayan iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeeshaan maamulka Somaliland, kaas oo laga yaabo inuu ku lug yeesho dhisidda saldhig millateri.
Bloomberg waxay carrabka ku dhufatay, in saldhiggan ay Yahuuddu damacsan tahay inay ka samaysato Somaliland ay suuro-gal tahay inuu noqdo mid dahsoon, oo xogtiisa aad loo qariyo.
Bilihii u dambeeyay, saraakiil sirdoon ah ayay warbixintu sheegtay inay booqdeen deggaannada Somaliland, si ay u baaraan goob suurtagal ah oo xeebta ku taal oo laga dhisi karo saldhig millateri.
Warbixintu waxay ka sanqarisay in maamulka Yahuuddu uu sahamin ballaaran ugu jiro sidii uu hawl-gallo amni oo ka dhan ah Xuutiyiinta uga fulin lahaa gudaha Somaliland.
Warbaahinta Bloomberg waxay hoosta ka xariiqday, in saldhig millateri oo laga sameeyo Somaliland uu Yahuudda siin karo goob ay ka abaabusho dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta.
Xogtu waxay xustay in Xuutiyiintu ay noqdeen bartilmaameed weyn oo Yahuuddu ay diiradda saarayso, iyadoo doonaysa inay la dagaallanto Iiraan, isla markaana tirtirto khataraha ka dhashay dagaalkii Qaza.
Bloomberg, waxay sheegtay in Jeneraal Yahuudi ah, uu ka digay in xogta sirdoonka Sahaayinadu ay muujinayso in Xuutiyiintu haysato boqollaal gantaal oo gaari kara Telaabiib, isla markaana ay leedahay shabakado ku fidsan gobolka, oo ay ku jiraan Suuriya iyo Masar.
Magaalada Berbera ayay warbixintu xustay inay ku taallo meel istaraatiijiya oo laga weerari karo Xuutiyiinta, iyadoo leh ayay tiri, runway-ga ugu dheer Afrika iyo deked leh biyo-qoto dheer, taas oo Isutagga Imaaraadka Carabta uu gacanta ku hayo.
Tallaabooyinkan ayuu warbixintu bidhaamisey inay yihiin kuwo khatar ah, isla markaana ay suurogal ah tahay in Somaliland ay bartilmaameed u noqoto Iiraan iyo Xuutiyiinta Yemen.
Si kastaba ha ahaatee, ajandayaasha dhagaraysan ee Yahuudda ayaa si tartiib ah usoo if-baxaya tan iyo wixii ka dambeeyey 26-kii December 2025, xilligaas oo R/Wasaaraha Yahuudda Gaal Netanyahu uu ku dhawaaqay in dal madaxbannaan uu u aqoonsaday maamulka daba-dhilifka Somaliland.