Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal gaar ah ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee wilaayada Shabeelada hoose kaasi oo faahfaahino dheeraad ah laga helayo.
Howlgalkan waxey Mujaahidiintu ku dileen askari ka tirsanaa nabad sugidda kooxda Ridada Soomaaliya gaar ahaan qeybta loo yaqaano dharcadka ee jaajuusa dadka shacabka Muslimka ah.
Murtadkan Mujaahidiintu ay ku dileen gudaha degmada Afgooye ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Madhoko kaasi oo caan ku ahaa dhibaateynta dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha Afgooye.
Dilka askarigaan waxa uu kasoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaallo culus oo saf ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada kufaarta afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ee degmooyinka Buulo mareer, Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka Sabiid oo ka wada tirsan Shabeelada hoose, Waxeyna wararkii ugu dambeeyay xaqiijinayaan in dagaaladaas khasaara kala duwan oo naf iyo maal ah lagu gaarsiiyay askarta Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.
Calamada.com