Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday goob dalxiis oo ku taalla xeebta Bondi ee magaalada Sidni ee gobolka New South Wales ee dalka Australia, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanku.
Toogashadan oo dhacday maanta oo Axad ah, ayaa sida la tuhunsan yahay waxaa fuliyey labo nin, kuwaas oo rasaas oodda kaga qaaday Yahuud xus ku dhiganaysay xeebta caanka ah ee Bondi Beach.
Sahaayino kale oo fara badan ayay wararku tibaaxayaan inay ku dhaawacmeen toogashadaasi, iyadoo weerarkani uu argagax badan ku abuuray dadkii halkaasi isugu yimid, maydkuna ay muddo badan bilanaayeen goobtaasi.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in goobta la weeraray ay ka socotay munaasabad lagu magacaabo Chanukah oo Yahuuddu ay xusaan sannadkiiba hal mar, taas oo ay kasoo qayb-galeen boqollaal ka tirsan sahaayinada ku dhaqan waddanka Australia.
Warar aan la xaqiijin ayaa ayaa sheegaya in la dilay mid ka mida tuhmanayaashii weerarka fuliyey, halka midka kalena la sheegaya in dhaawac culusi uu soo gaaray, iyadoo tirada dadka dhaawacmayna ay gaarayaan 100 ruux oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo boolis ah.
Laamaha ammaanka Ausrtralia ayaa xaqiijiyey khasaaraha toogashadaasi, iyadoo ilaa hadda aan la shaacin sababta ka dambaysay weerarkan.
Isaac Herzog oo ah madaxweynaha maamulka Yahuudda ayaa cambaareeyay falkaasi, isagoo ku tilmaamay weerar naxariis-daran oo ka dhan ah Sahaayinada.
Dadweyne badan ayaa isaga cararay xeebtaasi oo ku taalla bariga Sydney, taas oo ah goob dalxiiseyaasha caalamku ay si weyn ugu qulqulaan xilliyada fasaxa.
Dalxiise u dhashay Ingiriiska ayaa u sheegay AFP inuu arkay markii ay rasaastu bilaabantay labo nin oo dhar madow ku labisan oo wata qoryaha darandooriga u dhaca, iyo sidoo kale dad badan oo dhaawaca.
Goob-jooge kale, oo la dhaho Harry Wilson ayaa u sheegay Sydney Morning Herald inuu arkay ugu yaraan 10 qof oo dhulka waran iyo dhiig fara badan oo meel walba qulqulaya.
Ra’iisul Wasaaraha Australia ninka lagu magacaabo Anthony Albanese ayaa isna dhankiisa sheegay in weerarka ka dhacay Bondi Beach uu naxdin iyo murugo ku reebay.