Wararka ka imanaya gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad ka badan 25 qof la dilay, 21 kalena la la’yahay, kadib markii koox hubaysani ay weerareen degmo hoostagta gobolka Horo Guduru Wollega ee ismaamulka Oromda, sida uu shaaciyey Wargeyska Addis Standard.
Weerarkan oo dhacay ku dhawaad usbuuc ka hor, ayay wararku sheegayaan in ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda u dhaqdhaqaaqda Amxaarada ee Fano, sida uu xildhibaan kasoo jeeda degmadaasi oo lagu magacaabo Geremu Huluka u xaqiijiyey warbaahinta, isagoo kooxdaasi ku eedeeyey fulinta weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah.
Maleeshiyaadka weerarka fuliyey ayaa lagu soo warramayaa in ay rasaas oodda kaga qaadeen dad ku sugnaa degmadaasi, waxaana goobtaasi isla markiiba ku qur-baxay ugu yaraan 26 ruux, halka 21 qof oo kalena ilaa hadda aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida ilo deggaanka ah u xaqiijiyeen Wargeyska Addis Standard.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in weerarkan aan loo adeegsan oo kaliya qoryo, balse sidoo kale maleeshiyaadku ay duullaankan u isticmaaleen baangado, iyadoo maydad ka badan Labaatan aan la aqoonsan ilaa hadda, waxaana lasoo werinayaa in dadka la laayay ay ka mid yihiin haween iyo caruur.
Maydadka qaar ayaa la helay maalin ka bacdi, iyadoo dadkii dhaawacmayn lagu soo warramayo in loo daad-gureeyey cisbitaallada degmooyinka Dongoro, Shambu, iyo Nekemte oo dhammaantood hoostaga gobolka Horo Guduru Wollega.
Weerarkan khasaaraha badan dhaliyey, ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan gudaha Itoobiya ay cirka isku sii shareerayso, isla markaana uu dhiig-bax darani ku socdo, si weyn-na loo naafeeyey ciidanka Xabashida Itoobiya.