Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • 47 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Ismaamulka Oromia.
  • Allposts
  • Warar

47 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Ismaamulka Oromia.

September 6, 2025

Wararka ka imanaya gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad ka badan 25 qof la dilay, 21 kalena la la’yahay, kadib markii koox hubaysani ay weerareen degmo hoostagta gobolka Horo Guduru Wollega ee ismaamulka Oromda, sida uu shaaciyey Wargeyska Addis Standard.

Weerarkan oo dhacay ku dhawaad usbuuc ka hor, ayay wararku sheegayaan in ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda u dhaqdhaqaaqda Amxaarada ee Fano, sida uu xildhibaan kasoo jeeda degmadaasi oo lagu magacaabo Geremu Huluka u xaqiijiyey warbaahinta, isagoo kooxdaasi ku eedeeyey fulinta weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah.

Maleeshiyaadka weerarka fuliyey ayaa lagu soo warramayaa in ay rasaas oodda kaga qaadeen dad ku sugnaa degmadaasi, waxaana goobtaasi isla markiiba ku qur-baxay ugu yaraan 26 ruux, halka 21 qof oo kalena ilaa hadda aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida ilo deggaanka ah u xaqiijiyeen Wargeyska Addis Standard.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in weerarkan aan loo adeegsan oo kaliya qoryo, balse sidoo kale maleeshiyaadku ay duullaankan u isticmaaleen baangado, iyadoo maydad ka badan Labaatan aan la aqoonsan ilaa hadda, waxaana lasoo werinayaa in dadka la laayay ay ka mid yihiin haween iyo caruur.

Maydadka qaar ayaa la helay maalin ka bacdi, iyadoo dadkii dhaawacmayn lagu soo warramayo in loo daad-gureeyey cisbitaallada degmooyinka Dongoro, Shambu, iyo Nekemte oo dhammaantood hoostaga gobolka Horo Guduru Wollega.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyey, ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan gudaha Itoobiya ay cirka isku sii shareerayso, isla markaana uu dhiig-bax darani ku socdo, si weyn-na loo naafeeyey ciidanka Xabashida Itoobiya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-03-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-03-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1448-Hijri

July 27, 2026
Akhriso Faahfaahinta Weeraro Lagu Laayay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Faahfaahinta Weeraro Lagu Laayay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.

July 27, 2026
Xaaladaha Dhimasho Cudurka Ebola Ee Koongo Oo Gaaray 1,400 Oo Qof.
  • Allposts
  • Warar

Xaaladaha Dhimasho Cudurka Ebola Ee Koongo Oo Gaaray 1,400 Oo Qof.

July 27, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada