Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, laba qarax oo culus kula eegteen kolonyo maleeshiyo murtadiin ah gaar ahaan kuwa Alfa group ah oo kasoo baxday magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa Allaah fadligiis sidii loo qorsheeyay u beegsaday kolonyada maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo murtadiin ah, waxaana sidoo kale lagu gubay laba gaari oo Cabdibile ah.
Sidoo kale, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayaa lagu dilay murtad Jeylaani Xasan Bagey oo ka mid ahaa Ergadii maamulka ashahaada la dirirka ee Koonfur-galbeed, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu qaraxyo la beegsadeen laba fariisin oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay ku kala leeyihiin xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Warlaliska ee degmooyinka Heliwaa iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho, ugu yaraan 4 askari ayaa murtadiinta looga dhaawacay qaraxyada, kuwaas oo mid ay xaaladdiisu culus tahay.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay degmada Baardheere ka fuliyeen howlgal qarax ah, kaasi oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Itoobiya, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay ilaa 3 askari oo Itoobiyaan ah.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Ceelbarde ee wilaayada Bakool, waxaana uu dagaalku socday in muddo ah.
Dhanka Jubbada hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ee degmada Afmadoow, faahfaahin rasmi ah lagama helin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo gaaray kuffaarta Kenya, maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.