Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • The Star: Al-Shabaab Way Sii Xoogaysatay Waxayna Isku Ku Fidisay Gudaha Kenya.
  • Allposts
  • Warar

The Star: Al-Shabaab Way Sii Xoogaysatay Waxayna Isku Ku Fidisay Gudaha Kenya.

July 21, 2025

Warbixin uu daabacay Wargeyska The Star oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya ayuu kaga hadlay awoodda sii bullaalaysa ee Mujaahidiinta Al-shabaab, xilli si weyn loo wiiqay awoodda ciidamada kuffaarta Afrikaanta AUSSOM iyo maleeshiyaadka Riddada ah ee ee ay ku adeegtaan.

Waxa uu sheegay wargeysku in Shabaabul Mujaahidiin ay dardar xooggan gelisay hawl-galladeeda isla markaana ay qaadeen mowjado weeraro ah, xilli ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ay wajahayaan dhibaato dhaqaale oo marba marka ka dambaysa kasii daraysa.

The Star waxa uu xusay in Talaadadii lasoo dhaafay ciidamada kuffaarta Kenya ay xaqiijiyeen weerar ka dhacay Lamu oo lagu beegsaday askartooda, geystayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay fuliyeen Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan uu wargeysku soo hadal-qaaday oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sankuuro iyo Kiyuunga ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 askari oo Kenyaan ah, halka dhaawacoodana la xaqiijiyey inuu gaaray 11 askari oo kale. Waxaana lagu gubay gaari Mitsubishi ah, halka sidoo kalena uu burbur xooggani gaaray baabuur Cabdi Bile ah oo ay wateen.

Wargeysku waxa uu xusay in weerarkani ahaa kii ugu dambeeyey silsilado weerarro ah oo Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, isagoo sidoo kalena soo hadal-qaaday weerarro kale oo dhawaan ka dhacay keynta Boni ee gobolka Lamu iyo gobolka Mandheera, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac badan loogu geystay askarta Kenya.

Falanqeeyayaal amni oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in horumarka baaxadda leh, dhulka ballaaranna ay kula wareegeen Shabaabul Mujaahidiin aysan muujinayn kaliya kobocooda awoodeed, balse ay tilmaan ka bixinayso sida ay meesha uga baxday awoodda kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xaalka ay haatan ku jiraan kooxda Xassan Gurguurte ayuu wargeysku ku sifeeyey mid aad u liita, kadib markii laga fara-maroojiyey deggaanno badan oo ay ugu dambaysay Tardo oo ah magaalo istaraatiijiya oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Waxa kale oo wargeysku ka dhawaajiyey in jihaadiyiintu ay kusii siqayaan deggaanno hor leh, sida Gaashaanle Maxamed Cabdilaahi uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xeel-dheerayaasha amniga ee wargeysku uu soo xigtay ayaa sidoo kale sheegay in horumarkan ay dhawaan ku tallaabsadeen mujaahidiinta, uu astaan u yahay fashil weyn oo ku yimid dagaalkii muddada dheer ka socday Soomaaliya ee lagula jiray Al-Shabaab.

Ashley Jackson, oo ah cilmi-baare ka tirsan King’s College London, ayaa u sheegtay wargeyska in weerarkii mujaahidiintu qaadeen bishii Febraayo uu ahaa mid ay dib ugu soo celiiyeen ku-dhaqankii shareecada islaamka ee deggaanno badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu meesha ka saaray guulihii uu sheegan jiray maamulka Muqdisho.

“Luminta degdegga ah ee dhulka baaxadda leh looga saaray maamulka Muqdisho waxay hoosta ka xariiqeysaa daciifnimada qaab-dhismeedka qotada dheer ee Villa Somalia iyo fashilka ku yimid istiraatiijiyadda millatari ee caalamiga ah,” ayay tiri Ashley Jackson.

Iyadoo xaalka kooxda Villa Somalia uu mugdigaas ku jiro ayuu dhinaca kale wargeysku soo hadal qaaday xaaladda hubanti laanta ah ee uu wajahayo isbahaysiga AUSSOM. Waxaanu sheegay in hawl-galkaasi la kowsaday caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhac dhaqaale oo dhan $96 Milyan oo Dollar iyo yaraansho baaxad leh oo ka jira dhinaca ciidanka, qalabka iyo agabka hawada.

Maal-gelintii dhaqaale ee ka iman lahayd dhinaca Qaramada Midoobay ayuu wargeysku xusay in ganafka ay ku dhufteen dawlado uu Maraykanku ka mid yahay. Waxaanay diidday inay taageerto maal-gelinta hawl-galka AUSSOM.

The Star waxay farta ku fiiqday in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran, isla markaana ay ku socdaan horumar baaxad leh oo ka gudbay gudaha Soomaaliya, xilli waxa loogu yeero beesha caalamkuna ay wajahayso cadaadisyo xooggan.

Sarkaal sare oo ka tirsan amniga Kenya, oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay wargeyska The Star, in ay sii kordhayaan, xawaare sarena ku socdaan hawl-gallada jihaadiyiinta Al-Shabaab, isla markaana aan la iska indho tiri karin khatarta ay wajahayaan dawladihii gobolka ee dagaalka kula jiray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-01-1447 Hijri.
Next: Qarax Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Beledweyne.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1447-Hijri.

July 21, 2025
Mucaaradka Oo Ku Dhawaaqay Inay Fashil Kusoo Idlaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Ku Dhawaaqay Inay Fashil Kusoo Idlaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.

July 21, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1447 Hijri.

July 21, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025

Sawirro

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada