Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • The Star: Al-Shabaab Way Sii Xoogaysatay Waxayna Isku Ku Fidisay Gudaha Kenya.
  • Allposts
  • Warar

The Star: Al-Shabaab Way Sii Xoogaysatay Waxayna Isku Ku Fidisay Gudaha Kenya.

July 21, 2025

Warbixin uu daabacay Wargeyska The Star oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya ayuu kaga hadlay awoodda sii bullaalaysa ee Mujaahidiinta Al-shabaab, xilli si weyn loo wiiqay awoodda ciidamada kuffaarta Afrikaanta AUSSOM iyo maleeshiyaadka Riddada ah ee ee ay ku adeegtaan.

Waxa uu sheegay wargeysku in Shabaabul Mujaahidiin ay dardar xooggan gelisay hawl-galladeeda isla markaana ay qaadeen mowjado weeraro ah, xilli ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ay wajahayaan dhibaato dhaqaale oo marba marka ka dambaysa kasii daraysa.

The Star waxa uu xusay in Talaadadii lasoo dhaafay ciidamada kuffaarta Kenya ay xaqiijiyeen weerar ka dhacay Lamu oo lagu beegsaday askartooda, geystayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay fuliyeen Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan uu wargeysku soo hadal-qaaday oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sankuuro iyo Kiyuunga ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 askari oo Kenyaan ah, halka dhaawacoodana la xaqiijiyey inuu gaaray 11 askari oo kale. Waxaana lagu gubay gaari Mitsubishi ah, halka sidoo kalena uu burbur xooggani gaaray baabuur Cabdi Bile ah oo ay wateen.

Wargeysku waxa uu xusay in weerarkani ahaa kii ugu dambeeyey silsilado weerarro ah oo Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, isagoo sidoo kalena soo hadal-qaaday weerarro kale oo dhawaan ka dhacay keynta Boni ee gobolka Lamu iyo gobolka Mandheera, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac badan loogu geystay askarta Kenya.

Falanqeeyayaal amni oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in horumarka baaxadda leh, dhulka ballaaranna ay kula wareegeen Shabaabul Mujaahidiin aysan muujinayn kaliya kobocooda awoodeed, balse ay tilmaan ka bixinayso sida ay meesha uga baxday awoodda kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xaalka ay haatan ku jiraan kooxda Xassan Gurguurte ayuu wargeysku ku sifeeyey mid aad u liita, kadib markii laga fara-maroojiyey deggaanno badan oo ay ugu dambaysay Tardo oo ah magaalo istaraatiijiya oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Waxa kale oo wargeysku ka dhawaajiyey in jihaadiyiintu ay kusii siqayaan deggaanno hor leh, sida Gaashaanle Maxamed Cabdilaahi uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xeel-dheerayaasha amniga ee wargeysku uu soo xigtay ayaa sidoo kale sheegay in horumarkan ay dhawaan ku tallaabsadeen mujaahidiinta, uu astaan u yahay fashil weyn oo ku yimid dagaalkii muddada dheer ka socday Soomaaliya ee lagula jiray Al-Shabaab.

Ashley Jackson, oo ah cilmi-baare ka tirsan King’s College London, ayaa u sheegtay wargeyska in weerarkii mujaahidiintu qaadeen bishii Febraayo uu ahaa mid ay dib ugu soo celiiyeen ku-dhaqankii shareecada islaamka ee deggaanno badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu meesha ka saaray guulihii uu sheegan jiray maamulka Muqdisho.

“Luminta degdegga ah ee dhulka baaxadda leh looga saaray maamulka Muqdisho waxay hoosta ka xariiqeysaa daciifnimada qaab-dhismeedka qotada dheer ee Villa Somalia iyo fashilka ku yimid istiraatiijiyadda millatari ee caalamiga ah,” ayay tiri Ashley Jackson.

Iyadoo xaalka kooxda Villa Somalia uu mugdigaas ku jiro ayuu dhinaca kale wargeysku soo hadal qaaday xaaladda hubanti laanta ah ee uu wajahayo isbahaysiga AUSSOM. Waxaanu sheegay in hawl-galkaasi la kowsaday caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhac dhaqaale oo dhan $96 Milyan oo Dollar iyo yaraansho baaxad leh oo ka jira dhinaca ciidanka, qalabka iyo agabka hawada.

Maal-gelintii dhaqaale ee ka iman lahayd dhinaca Qaramada Midoobay ayuu wargeysku xusay in ganafka ay ku dhufteen dawlado uu Maraykanku ka mid yahay. Waxaanay diidday inay taageerto maal-gelinta hawl-galka AUSSOM.

The Star waxay farta ku fiiqday in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran, isla markaana ay ku socdaan horumar baaxad leh oo ka gudbay gudaha Soomaaliya, xilli waxa loogu yeero beesha caalamkuna ay wajahayso cadaadisyo xooggan.

Sarkaal sare oo ka tirsan amniga Kenya, oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay wargeyska The Star, in ay sii kordhayaan, xawaare sarena ku socdaan hawl-gallada jihaadiyiinta Al-Shabaab, isla markaana aan la iska indho tiri karin khatarta ay wajahayaan dawladihii gobolka ee dagaalka kula jiray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-01-1447 Hijri.
Next: Qarax Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Beledweyne.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.

April 27, 2026
Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri

April 26, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada