Warbixinno caalamiya oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa soo bandhigtay welwelka iyo qoob-gariirka ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ee isug jira Saliibiyiinta iyo Riddada ee dhawaan la wareegay magaalada Awdheegle oo ka tirsan wilaayada islaamiga Shabeellaha hoose.
Wariyeyaal ka tirsan Wakaaladda Wararka AFP oo safar ku tagay magaalada Aw-dheegle ayaa sheegay in ciidamada Kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan Aw-dheegle aanay cago badan ku taagnayn oo muujinayaan cabsi aad u xooggan.
Warbaahinta AFP, waxa lagu xusay in ciidamada huwantu ay haatan joogaan magaalada, balse awoodda ay u leeyihiin inay sii haystaan ay tahay mid aad u liidata. Maadaama ay wadnaha farta ku hayaan xilli walbana filanaya weerarrada Mujaahidiinta.
Duuliyaha diyaarad Helicopter ah oo aad u welwelsan ayaa wariyeyaasha AFP oo uu keenay Awdheegle ku war-geliyey in cabsi weyn uu ka qabo weerarrada Mujaahidiinta Al-Shabaab sidaas darteed 20 daqiiqo gudahood ay ku dhamaystaan hawlahooda, haddii kalena uu ka tegi doono.
Warbixintu waxay soo bandhigtay burbur xooggan oo ciidamada saliibiyiinta iyo maleeshiyaadka Riddadu ay u geysteen guryaha shacabka, iyagoo maleeshiyaadka Riddadu ay AFP u sheegeen in si ku talo-gal ah ay u burburiyeen guryaha shacabka.
Qandaraasle Turki ah, oo la hadlay AFP, ayaa muujiyay niyad-jab xooggan oo uu ka qaaday dagaalka Al-Shabaab kadib muddo hal bil ah oo warbixintu sheegtay inuu ku sugnaa jiidda hore. Waxaanu tilmaamay in xaaladdu ay haatan ku xun tahay oo halis ay ku jiraan ciidamada saliibiyiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan Aw-dheegle.
Falanqeeyayaal ay soo xigatay AFP ayaa sheegay in la jabiyey maleeshiyaadka Riddada oo ay sheegeen in mar walba ku jireen xaalad ciriiri ah, waxaanay tilmaameen in haatan ay marayaan heer ay qarka u saaran yihiin in gebi ahaanba ay burburaan.
La-taliyaha amniga kooxda Ridddada Soomaaliya Murtadka lagu magacaabo Aweys Xaaji Yuusuf, oo wakaaladda wararka AFP ay arrimahan wax ka waydiisay ayaa qiray in ay jiraan caqabadaasi ku gedaaman ciidamada huwanta ee duullaanka saliibiga ah kaga jira Soomaaliya.
Wariyaasha AFP waxay sheegeen in magaalada Aw-dheegle ay kusoo arkeen xaalad khatar ah oo marnaba aan la isku hallayn karin. Isla markaana aanay marnaba indhahooda saarin wax muujin kara ammaan buuxa oo deggaankaasi ka jira.
Muddadii koobnayd ee wariyeyaasha AFP ay joogeen AWDHEEGLE ayay waraysi la yeesheen haweenay ka mida dadka deggaanka waxaanay warbixintu xustay in gabartaasi ay u muujisay suurto-galnimada in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dib ula wareegaan deggaankaasi.