Faahfaahinno dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ah kuleeyihiin degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Weerarkan oo ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigyada maleeshiyaadka Riddada ee degmada Balcad, ayaa gaystay khasaare isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana inta la hubiyay lagu dilay ugu yaraan laba askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay laba askari oo kale.
Sidoo kale inta uu dagaalku socday waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee weerarka qaaday gacanta ku dhigeen oo la wareegeen laba bar Control oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay kaga sugnaayeen degmada Balcad ee Sh/dhexe.