Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Bariga Dhexe Iyo Xabad-joojin Lagu Dhawaaqay.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Bariga Dhexe Iyo Xabad-joojin Lagu Dhawaaqay.

April 8, 2026

Waxaa maalinkii 40-aad uu saaka u baryey dagaalka Bariga Dhexe, ee u dhaxeeya Maraykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ah iyo Iiraan, iyadoo muddadaasi ay si xiriir ah u socdeen weerarrada iyo weerar-celinta labada dhinac.

Iyadoo xalay oo dhan adduunweynuhu u dheg-taagayay hanjabaadihii saacadaha loo qabtay ee Trump uu u jeediyey Iiraan, ayaa waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sidii xalay ay wax u dhaceen iyo sidii ay u fashilmeen goodisyadii Trump, annagoo xogaha idiinku soo dhignay sidii ay u kala horreeyeen.

Weerarada argoosashada ah ee Iran ayaa gaaray hormadii 100-aad, taas oo Iiraan ay habeennimadii xalay ahaa ku hurguftay deggaannada Yahuuddu ay xoogga ku haysato iyo saldhigyada Maraykanka ee gobolka.

Sidoo kale Iiraan ayaa lagu soo warramayaa in habeennimadii xalay ay mar kale mawjad gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay dalalka Khaliijka, sida waddamada Sucuudiga, Qatar, Kuwait, Baxrain iyo Imaaraadka Carabta.

Shacabka ku nool waddamada Khaliijka waxaa habeennimadii xalay la faray inaysan guryaha kasoo bixin maadaama ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo madaafiicda Iiraan. Halka Shacabka Iiraan ay xalay wadooyinka is tubeen una diyaargaroobeen duqaynta Maraykanka.

Dowladda Kuwayt ayaa si gaar ah xalay dadka u dhashay waddankaasi ugu baaqday inay guryahooda joogaan inta u dhaxaysa saqda dhexe ilaa 6-da subaxnimo, iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay inay Iiraan la wadaagtay Qatar , farriin ay ugu sheegtay ; ” Gobolka wuxuu gali doonaa mugdi , waana weerarri doonaa dhammaan xarumaha koronto , haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay beegsadaan xarumaheena korontada.”

Wershadaha kiimikada ee ku yaalla magaalada Mahshahr ee dalka Iiraan ayay wararku tibaaxayaan in habeennimadii xalay ay marti-gelisay duqaymo ba’an oo ay fuliyeen dowladda Maraykanka iyo Kayaanka Sahaayinada.

Warbaahinta Iiraan ayaa dhankeeda xalay ku warrantay in warshadaha Aluminium-ka oo ku yaalla bartamaha Iiraan laga maqlay qaraxyo waaweyn kadib markii halkaasi lala beegsaday duqaymo ay fuliyeen cadowga Iiraan.

Waxaa lasoo weriyey khasaare baaxad leh oo gaaray saldhigga cirka ee Cali Al Salem ee dalka Kuwait, kaas oo xalay ilaa habeen hore ay ku socdeen mowjado gantaallo ah oo Iiraan ay gantay. Waxaana dhaawacmay ugu yaraan 15 askari oo Maraykan ah, halka dhimashadana loo badaniyo in la qarinayo.

Dowladda Shiicada Iiraan waxay xalay shaacisay inay diyaar u tahay weerar kasta oo kaga yimaadda cadawgeeda, iyadoo ku dhawaaqday inay u diyaarsan tahay dhammaan suurtagalnimo kasta oo la xiriira dagaalka kala dhexeeya Maraykanka iyo Yahuudda.

Telefishinka CNN ayaa xalay sheegay in suuqyada caalamka iyo qiimaha shidaalka ay galeen xaalad khalkhal ah, iyadoo laga cabsi qabo koror aan horey loo arag tan iyo 1987 inuu ku yimaado qiimaha shidaalka caalamka.

Sida ay werisay Al-Jaziira, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in haddii Trump ka dhabeeyo hanjabaadihiisa, ay adduunka tusi doonaan wax cusub oo lala yaabo, isla markaana jawaatoodu ay si toos ah u gaari doonto meelo ka baxsan gobolka.

Kumannaan Iiraaniyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka ay ku yaalaan xarumaha tamarta iyo nukliyeerka, xilli kaliya saacad iyo bar ay ka dhimantahay waqtiga uu Trump u qabtay Iiraan inay heshiis qaadato ama ay u diyaar-garowdo burbur baaxad leh.

Safaaradda Iiraan ee Hyderabad (India) ayaa goor dambe oo xalay ah waxay soo saartay hadal ay ku iftiiminayso mowqifka cad ee Iiraan, isla markaana cadowgoodo ay ugu quus-goynayso waxaanay tiri: “Iiraan waligeed isma dhiibi doonto.”

Halkaas marka uu xaal maraayo, xilligii ballantuna ay gabaabsi marayso ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa uu Trump ku dhawaaqay in uu joojiyay weerarradii uu ku qaadi rabay Iiraan, isla markaana uu oggolaaday xabbad-joojin labo toddobaad ah iyo in la soo afjaro dagaalka Iiraan.

“Waxaan oggolaaday in la hakiyo duqeymaha iyo weerarka Iiraan muddo 2 toddobaad ah. Tani waxay ku xiran tahay in Iiraan iyaduna oggolaato inay si dhamaystiran oo ammaan ah u furto Marinka Hormuz. ” Ayuu yiri Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu sidoo kale hadalkiisa ku daray: “Go’aankani waa xabbad-joojin labada dhinac ah. Sharaf ayay ii tahay in arrintan muddada dheer taagnayd ay hadda ku dhowdahay xal.”

Waxa cad in Trump ay dantu u run-sheegtay, kadib markii ay fashil iyo afkala-qaad ay kusoo idlaadeen wax lagu sheegay dhex-dhexaadin oo ay wadeen ergooyin-ku-sheeg uu Trump gadaal ka riixiyey oo Pakistan ay hormood ka ahayd.

Waxaa dunida ku hor fashilantay dowladdii kibirka badnayd ee Maraykanka, waxaana muuqata in sanka dhulka loogu jiiday. Waxaanay Iiraan isla xilliga uu Trump xabbad-joojinta ku dhawaaqay, ay hormooyin gantaallo ah oo aad u fara badan ay ku weerartay Yahuudda.

Telefishinka CNN ayaa oo soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad, ayaa sheegay in Sahaayinaduna ay ku qasbanaatay inay ku biirto xabbad-joojinta laba toddobaad ah, waxayna joojin doontaa duqeymaha ay waddo inta wadahadalladu ay socdaan.

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa isna xalay soo bandhigay fashilka Maraykanka, isagoo sheegay in Donald Trump uu aqbalay shuruudaha Iiraan si loo soo afjaro dagaalka, waxaana sidaas darteed loogu dhawaaqay ayuu yiri xabbad-joojin laba toddobaad ah.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim, ayaa baahisay ayaa iyaduna xalay markii uu Trump ku dhawaaqay go’aanka xabad-joojinta, waxay bulshada u soo bandhigeen fashilka ku habsaday Trump iyo dibu-gurashada fulaynimo ee Maraykanku sameeyey.

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa hoos u dhacay 10%, isla markii Trump uu ku dhawaaqay heshiiska xabbad-joojinta dagaalka Iiraan, sidoo kale waxaa kor u kacay qiimaha dahabka, isagoo noociisa saafiga ah uu kordhay ilaa 3.1%.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei uu ogolaaday soo jeedinta Pakistan ee xabbad-joojinta laba toddobaad ah. Iyadoo wasiirkha khaarajiga Iiraan isna uu sheegay inay tixgelin doonaan go’aankaasi, haddii aan lasoo weerarin.

Cabbaas Caraaqji, wasiirka Khaarajiga Iiraan waxa uu xaqiijiyey in muddadaasi xabad-joojintu socoto la furi doono markinka Hormuz, isla markaana maraakiibta maraysa looga baahan yahay inay xiriir la sameeyaan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, si ay nabad-galyo ugu gudbaan marinkan.

Shuruudaha Iiraan ee Trump aqbalay waxaa ka mida, in la hubiyo in Iiraan mar kale aan la weerarin, in dagaalka si buuxda loo soo afjaro, in la joojiyo weerarrada Yahuudda ee ka socda Lubnaan, iyo in la qaado dhammaan cunaqabateynta Mareykanka ee saaran Iiraan.

Sidoo kale shuraadaha Iiraan waxaa ku jira in la joojiyo dhammaan iska hor imaadyada ka dhanka ah xulafada Iiraan ee gobolka, in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz, inay Iiraan ka qaaddo maraakiibta ka gudbaya Hormuz lacag 2 milyan oo dollar markab kasta.

Wargeyska Yedioth Ahronoth oo ka mida warbaahinta ugu weyn Yahuudda ayaa ku warramay in xabbad-joojinta uu Trump ku dhawaaqay ay qayb ka tahay joojinta weerarrada Yahuuddu ay ka waddo Lubnaan, taas oo qayb ka ahayd shuruudaha Iiraan.

Golaha Amniga Qaranka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in wax walba ay si taxaddar leh uga fiirsanayaan oo marnaba aanay aamini doonin Maraykanka, maadaama marar badan uu ku khiyaanay wada-hadallo iyo ballamo hore oo uu la galay.

”Waxaa la go’aamiyay in wadahadallo lagu qabto 10-ka bishan April, magaalada Islamabad ee dalka Pakistan, si loo dhameystiro faahfaahinta ku saabsan sida loo soo afjari doono dagaalka.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Iiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qodobada Iiraan la tagayso Islamabad, Trump-na aqbalay ay ka mid yihiin in Maraykanku ciidankiisa ka saaro dhammaan saldhigyada Bariga Dhexe, in la qaado dhammaan cunaqabateynta, in la sii daayo hantida Iiraan ee dibadda ku xayiran iyo in la siiyo magdhow.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 20-10-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -20-Shawaal-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-12-1447 Hijri.

May 25, 2026
Maamullada Deni Iyo Cirro Oo Xarun Sirdoon Oo Wadajir Ah Ka Daahfuray Hargaysa.
  • Allposts
  • Warar

Maamullada Deni Iyo Cirro Oo Xarun Sirdoon Oo Wadajir Ah Ka Daahfuray Hargaysa.

May 25, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -08-Dulxijah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -08-Dulxijah-1447-Hijri

May 25, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada