Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo saaka ciiidamada mujaahidiintu ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah taliska ugu weyn ee ay Kuffaarta uga suganyihiin Soomaaliya, waxayna madaafiicdu si toos ah ugu dhaceen gudaha xerada.
Xogaha aanu helnay waxay xaqiijinayaan in mid ka mid ah madaafiicda uu ku dhacay goob ay ku sugnaayeen askar Yugaandhees ah oo ah ilaalada UN-ka, laba askari ayaa kaga dhimatay ciidankaasi ilaalada ka haya gaalada UN-ka, waxaa sidoo kale madfac uu ku dhacay oo uu burburiyay bakhaarkii raashiinka ee ciidamada Yugandheeska ah ee ilaalada u ah UN-ka.
Sidoo kale mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay oo burburiyay gaari booyad ah oo ay lahaayeen kuffaarta Uganda ee ilaalada ka haya UN-ka, mid ka mid ah madaafiicda ayaa sidoo kale ku habsaday safaarada Faransiiska ee Xalane, burbur xooggan ayaana gaaray.
Mid ka mid ah madaafiicda mujaahidiintu ku garaaceen xerada Xalane ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay guri ay daganaayeen gaalo cadaan ah burbur ayaana gaaray gurigaasi, sidoo kale mid ka mid ah gaadiidka gaalada cadaanka ah oo madfac uu haleelay ayaa sidoo kale gubtay.