Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Shabaab Waa Laysku Baheystay Waase La Loodin La’yahay [Diraasad].
  • Allposts
  • Warar

Al-Shabaab Waa Laysku Baheystay Waase La Loodin La’yahay [Diraasad].

July 4, 2023

Hal sano kaddib duullaankii lagu iclaamiyey, Al-Shabaab kama muuqdo isbedel hoos u dhigay awooddii ay ku lahayd bariga Africa, waa cinwaanka warbixin uu diyaariyey Markaz laga leeyahay dalka Mareykanka oo ka faalooda arimaha sirdoonka, kaas oo sardin kooban ku sameeyey dagaalka adag ee 11-kii bilood ee lasoo dhaafay u dhexeeyey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kooxda ridada Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka, Turkiga, iyo kuffaarta Afrikaanta.

Warbixintu waxay sheegtay in kooxda ridada Soomaaliya ay bishii lasoo dhaafay xilka ka xayuubisay taliyihii ciidanka ridada Odiwaa Yuusuf Raage, iyo taliyihii ciidanka lugta, Maxamed Tahliil Biixi, ayna hogaanka ciidanka usoo magacowday saraakiil cusub xilli ay isku diyaarineyso wax uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta.

Marka laga yimaado wejiga koowaad ee duullaanka iyo natiijada laga filan karo, waxay warbixintu dhaliishay natiijada ka timid wejigii koowaad ee duullaanka, kaas oo ay sheegtay in uusan wax isbedel ah soo kordhin, islamarkaana awoodda Mujaahidiinta Al-Shabaab ee bariga Africa uusan ku imaan wax gaabis ah ama hoos u dhac ah.

“Diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha joogtada ah ka wada Soomaaliya, Ciidamada ATMIS iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, dhamaantood wey ku guuldareysteen inay hor istaagaan ama xakameeyaan weerarada cagmarinta ah ee ay Al-Shabaab ku qaadeyso xeryaha military ee ku yaalla Soomaaliya, haddii ay yihiin kuwa midowga Africa iyo kuwa Soomaalida” ayaa lagu yiri warbixinta.

Weerarada Cagmarinta ah

Bishii May ee lasoo dhaafay waxay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidanka dowlada ee deegaanka Masagawaay halkaas oo ay ku laayeen ciidamo ka tirsan kuwa lagu soo tababaray Eritrea, waxayna weli awood u leedahay inay weeraro dilaa ah ka geysato magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya, sidoo kalena beegsato saldhigyada ciidanka dowlada, kuwa ATMIS, iyo xitaa deegaanada dhaca xadbeenaadka wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu yiri warbixinta.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ninka lagu magacaabo Michael Langley ayaa dhawaan booqday Muqdisho iyo Kismaayo si uu ugu kuurgalo sida ay u socdaan duullaanka uu Mareykanku tabantaabayo ee ka dhanka ah Mujaahidiinta, waxaana booqashadiisa ay timid maalma un kadib markii Xarakada Al-Shabaab ay fulisay weerar soo jiitay dareenka warbaahinta caalamiga oo lagu beegsaday ciidanka Uganda.

Warbixintu waxay tiri: “Al-Shabaab ayaa cagta mariyey xero ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalo qiyaastii 120km dhanka koonfurgalbeed uga beegan Muqdisho, halkaas oo ay ku xasuuqeen ciidamo badan oo Ugandhes ah. Waxay soo bandhigeen meydka Colonel Edward Nyororo oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Uganda, waxayna sidoo kale nolosha ku qabteen wax ku dhow 12 askari oo Ugandhees ah” ayey tiri warbixinta.

Inkastoo laysu baheystay kooxda ayna isugu tageen Mareykanka, Ethiopia, Uganda, Kenya, midowg Yurub, QM iyo midowga Africa, hadana cududda Al-Shabaab weli waa mid la loodin la’yahay ayey tiri warbixinta, waxayna hadda arintu taagan tahay inuu welwelku u weecdo cabsida laga qabo inay ku faafaan dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana ay tusaale usoo qaadatay weerarkii 7dii June lagu qaaday saldhigga ciidamada itoobiya ee degmada Dooloow ee wilaayada Gedo, halkaas oo lagu dilay in ka badan 120 askari oo xabashi ah.

Weerarada Lamu iyo NFD

Mar ay warbixintu soo hadal qaaday howlgalada Mujaahidiinta ee NFD iyo Lamu, waxay sheegtay inay laba kacleeyeen dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta ee halkaas ka socda, ayna bishii lasoo dhaafay oo kaliya dileen ugu yaraan 30 askari oo katirsan military-ga Kenya. Waxaa sidoo kale intaas dheer in weeraro lagu beegsaday dadka Nasaarada ah ee dega gobolka. Warbixintu waxay sheegtay in 12-kii iyo 14-kii June, la beegsaday Busas rakaab ah islamarkaana lagala degay dad gaallo ah oo ugu dambeyntii ay khaarijiyeen Mujaahidiinta.

Warbixintu waxay sheegtay in weerarkii ugu xumaa ee bishii lasoo dhaafay lagu beegsaday ciidanka Kenya uu ahaa mid dhacay 13kii June, kaas oo lagu dilay 8 ka tirsan ciidanka Kenya kadib markii gaarigii ay la socdeen uu dulmaray qarax ku diyaarsanaa wadada. Waxay sidoo kale soo hadal qaaday weerarkii 28-kii bishii lasoo dhaafay lagu beegsaday dadkii Nasaarada ahaa ee deganaa tuulada Juhuudi, halkaas oo lagu dilay 6 Nasaaro ah oo uu ku jiro Baadir, laguna burburiyey dhismayaal dhowr ah.

Madaxweynaha dalka Kenya, Wilyam Ruto oo dareemay inay kusoo dhawaadeen dhimbilaha Jihaadka ayaa dhawaan wareysi uu siiyey Franca24 wuxuu sheegay in aysan is huri doonin iyaga iyo Al-Shabaab xitaa haddii ay baxaan isbaheysiga ATMIS, waxaana hadalkiisa laga akhrisan karay walaac uu ka qabo cidda dowladiisa ku taageeri doonto la dagaalanka Mujaahidiinta.

Kenya ayaa sanadkii 2011 duullaan kusoo qaaday Soomaaliya, iyagoo ku doodeysa inay duullaankaas ku xaqiijineyso xasiloonida dalka Kenya. Hal sano kadib markii uu duullaanku ku adkaaday una weysay dhaqaale ku filan, ayey ku biirtay Isbaheysiga kuffaarta Afrikaanta, waxaana hadda la is weydiinayaa cidda ay dabada la gali doonto haddii lasoo afjaro howlgalka ay ku raad-tiratay 2012, jabkeedana ku asturtay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-12-1444-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -17-12-1444-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026
Dhagayso Sh Kabakutukade Oo Ka Hadlay Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Saldhigyada Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Sh Kabakutukade Oo Ka Hadlay Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Saldhigyada Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada