Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Shabaab Waa Laysku Baheystay Waase La Loodin La’yahay [Diraasad].
  • Allposts
  • Warar

Al-Shabaab Waa Laysku Baheystay Waase La Loodin La’yahay [Diraasad].

July 4, 2023

Hal sano kaddib duullaankii lagu iclaamiyey, Al-Shabaab kama muuqdo isbedel hoos u dhigay awooddii ay ku lahayd bariga Africa, waa cinwaanka warbixin uu diyaariyey Markaz laga leeyahay dalka Mareykanka oo ka faalooda arimaha sirdoonka, kaas oo sardin kooban ku sameeyey dagaalka adag ee 11-kii bilood ee lasoo dhaafay u dhexeeyey Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kooxda ridada Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka, Turkiga, iyo kuffaarta Afrikaanta.

Warbixintu waxay sheegtay in kooxda ridada Soomaaliya ay bishii lasoo dhaafay xilka ka xayuubisay taliyihii ciidanka ridada Odiwaa Yuusuf Raage, iyo taliyihii ciidanka lugta, Maxamed Tahliil Biixi, ayna hogaanka ciidanka usoo magacowday saraakiil cusub xilli ay isku diyaarineyso wax uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta.

Marka laga yimaado wejiga koowaad ee duullaanka iyo natiijada laga filan karo, waxay warbixintu dhaliishay natiijada ka timid wejigii koowaad ee duullaanka, kaas oo ay sheegtay in uusan wax isbedel ah soo kordhin, islamarkaana awoodda Mujaahidiinta Al-Shabaab ee bariga Africa uusan ku imaan wax gaabis ah ama hoos u dhac ah.

“Diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha joogtada ah ka wada Soomaaliya, Ciidamada ATMIS iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, dhamaantood wey ku guuldareysteen inay hor istaagaan ama xakameeyaan weerarada cagmarinta ah ee ay Al-Shabaab ku qaadeyso xeryaha military ee ku yaalla Soomaaliya, haddii ay yihiin kuwa midowga Africa iyo kuwa Soomaalida” ayaa lagu yiri warbixinta.

Weerarada Cagmarinta ah

Bishii May ee lasoo dhaafay waxay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidanka dowlada ee deegaanka Masagawaay halkaas oo ay ku laayeen ciidamo ka tirsan kuwa lagu soo tababaray Eritrea, waxayna weli awood u leedahay inay weeraro dilaa ah ka geysato magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya, sidoo kalena beegsato saldhigyada ciidanka dowlada, kuwa ATMIS, iyo xitaa deegaanada dhaca xadbeenaadka wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu yiri warbixinta.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ninka lagu magacaabo Michael Langley ayaa dhawaan booqday Muqdisho iyo Kismaayo si uu ugu kuurgalo sida ay u socdaan duullaanka uu Mareykanku tabantaabayo ee ka dhanka ah Mujaahidiinta, waxaana booqashadiisa ay timid maalma un kadib markii Xarakada Al-Shabaab ay fulisay weerar soo jiitay dareenka warbaahinta caalamiga oo lagu beegsaday ciidanka Uganda.

Warbixintu waxay tiri: “Al-Shabaab ayaa cagta mariyey xero ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalo qiyaastii 120km dhanka koonfurgalbeed uga beegan Muqdisho, halkaas oo ay ku xasuuqeen ciidamo badan oo Ugandhes ah. Waxay soo bandhigeen meydka Colonel Edward Nyororo oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Uganda, waxayna sidoo kale nolosha ku qabteen wax ku dhow 12 askari oo Ugandhees ah” ayey tiri warbixinta.

Inkastoo laysu baheystay kooxda ayna isugu tageen Mareykanka, Ethiopia, Uganda, Kenya, midowg Yurub, QM iyo midowga Africa, hadana cududda Al-Shabaab weli waa mid la loodin la’yahay ayey tiri warbixinta, waxayna hadda arintu taagan tahay inuu welwelku u weecdo cabsida laga qabo inay ku faafaan dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana ay tusaale usoo qaadatay weerarkii 7dii June lagu qaaday saldhigga ciidamada itoobiya ee degmada Dooloow ee wilaayada Gedo, halkaas oo lagu dilay in ka badan 120 askari oo xabashi ah.

Weerarada Lamu iyo NFD

Mar ay warbixintu soo hadal qaaday howlgalada Mujaahidiinta ee NFD iyo Lamu, waxay sheegtay inay laba kacleeyeen dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta ee halkaas ka socda, ayna bishii lasoo dhaafay oo kaliya dileen ugu yaraan 30 askari oo katirsan military-ga Kenya. Waxaa sidoo kale intaas dheer in weeraro lagu beegsaday dadka Nasaarada ah ee dega gobolka. Warbixintu waxay sheegtay in 12-kii iyo 14-kii June, la beegsaday Busas rakaab ah islamarkaana lagala degay dad gaallo ah oo ugu dambeyntii ay khaarijiyeen Mujaahidiinta.

Warbixintu waxay sheegtay in weerarkii ugu xumaa ee bishii lasoo dhaafay lagu beegsaday ciidanka Kenya uu ahaa mid dhacay 13kii June, kaas oo lagu dilay 8 ka tirsan ciidanka Kenya kadib markii gaarigii ay la socdeen uu dulmaray qarax ku diyaarsanaa wadada. Waxay sidoo kale soo hadal qaaday weerarkii 28-kii bishii lasoo dhaafay lagu beegsaday dadkii Nasaarada ahaa ee deganaa tuulada Juhuudi, halkaas oo lagu dilay 6 Nasaaro ah oo uu ku jiro Baadir, laguna burburiyey dhismayaal dhowr ah.

Madaxweynaha dalka Kenya, Wilyam Ruto oo dareemay inay kusoo dhawaadeen dhimbilaha Jihaadka ayaa dhawaan wareysi uu siiyey Franca24 wuxuu sheegay in aysan is huri doonin iyaga iyo Al-Shabaab xitaa haddii ay baxaan isbaheysiga ATMIS, waxaana hadalkiisa laga akhrisan karay walaac uu ka qabo cidda dowladiisa ku taageeri doonto la dagaalanka Mujaahidiinta.

Kenya ayaa sanadkii 2011 duullaan kusoo qaaday Soomaaliya, iyagoo ku doodeysa inay duullaankaas ku xaqiijineyso xasiloonida dalka Kenya. Hal sano kadib markii uu duullaanku ku adkaaday una weysay dhaqaale ku filan, ayey ku biirtay Isbaheysiga kuffaarta Afrikaanta, waxaana hadda la is weydiinayaa cidda ay dabada la gali doonto haddii lasoo afjaro howlgalka ay ku raad-tiratay 2012, jabkeedana ku asturtay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-12-1444-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -17-12-1444-Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada