Askari ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigley ee Magaaladan Muqdisho.
Askariga Murtadka ah ee ka tirsan Maleshiyaatka Dowladda Ridada waxaa Dilay askari kale oo ka tirsan Isla Maleeshiyaatka Dowladda Ridada.
Labada askari ayaa muran xoogan uu soo kala dhex galay iyadoona askariga la dilay uu la socday Mooto Bajaaj, Waxaa Rasaasta lagu dilay askarigaasi ku dhaawacmay Darawalkii kaxeynayay Moota Bajaajta uu la socday Askariga la dilay.
Maleeshiyaatka iyo Saraakiisha Dowladda Ridada Federaalka ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan tiro saraakiil iyo askar ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.