Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ahaa guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho kaas oo si xun ugu dhaawacmay weerar ay fulisay Xarakada Al Shabaab.
Khadiijo Max’med Diiriye oo ah wasiirrada dhalinyarada Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in Yariisoow oo qabay dhaawac halis ah uu maanta geeriyooday.
24-kii bishii lasoo dhaafay ee July ayuu qarax aad u xooggan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiintii ugu sarraysay maamulka gobolka.
Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa kamid ahaa sedax guddoomiye degmo, lataliyayaal iyo mas’uuliyiin kale halka ay dhaawacyo halis ah gaareen saraakiil iyo guddoomiyaal degmo.
Cabdi Raxmaan Yariisoow ayaa taariikh madoow ka tagay wuxuu caan ku ahaa la shaqeynta ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo hay’adaha Ajnabiga ah.
Yariisoow ayaa sanaddii 2008 kamid noqday saraakiishii gacan yarayaasha u ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu xilal wasiirnimo kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.
Sanadadii uu wasiirka warfaafinta ahaa ayuu caan ku ahaa baahinta warar been abuur ah isagoo Argagaxiso ku sheegi jiray dadka shacabka ah ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kenya ku xasuuqaan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
allah ayaa kumahadsan umada kahor leexshay dhibkiisa hambalyaan udirayaa ragii kashaqeyay Howshaas