Wararka ka imaanaya Dalka Afghanistan Waxey Xaqiijinayaan In Labo Camaliyadood Oo Istish haadiyo ah ka kala dhaceen Magaalada Caasimadda ah ee Kaabul Iyo Wilaayada Barwaan ee dhacda Waqooyga Dalka Afghanistan.
Camaliyadda Hore ee Istish haadiyada ah ayaa lala beegsaday Saldhig melleteri oo ku yaal Magaalada Kaabuul waxaana ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay Saraakiil iyo askar ka tirsan Maamulka Ridada Kaabul.
Weerarkan Istish-haadiga ah waxaa fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan Mujaahidkaasi oo lagu magacaabo Al-mullah Muxamed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Wilaayada Baktika ee dhacda Bariga Dalka Afghanistan.
Camaliyadda Labaad ee Istish haadiyada ah ee ka dhacay Wilaayada Barwaan ee Waqooyga dalka Afghanistan waxaa lala beegsaday xarun laga qaban qaabinayay Doorashada Musharax Ashraf Cali Gani oo ah madaxa xukuumadda kaabuul.
Weerarkan istish haadiga ah waxaa lagu dilay 28 isugu jirta Saraakiil, Askar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ashraf Gani Tobaneeyo kalane waa lagu dhaawacay.
Camaliyaddan istish haadiyada ka dhacday Waqooyga Dalka Afghanistan Waxaa Fuliyay Mujaahid Nathar Axmed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Wilaayada Balkh ee dhacda Waqooy Galbeed Dalka Afghanistan.
Camaliyadkan istish haadiga ah ee ee lagu laayay Saraakiisha, Askarta iyo Xubnaha kale ee ka tirsan Maamulka Ridada Kaabul ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay Camaliyaat Istish haadi ah oo ka kala dhacay Wilaayaatka Kaabul Iyo Lowjar lagu dilay Saraakiil iyo askar fara badan oo American ah
Calamada.com