
Cudurka halista ah ee Soomaalidu u taqaan Gowracatada afka qalaad na lagu dhaho Diphtheria, ayaa fara ba’an ku haya deegaanno dhaca waqooyi Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Mudug iyo Bari ee uu ka arrimiyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland.
Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cudurka Diphtheria uu 27 qof ku dilay deegaannada maamulka Riddada Puntland, halka boqollaal kalena uu soo ritay.
27-ka qof ee xanuunkan u dhintay ayaa 7 ka mid ah waxaa laga soo diiwaan-geliyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halka shan ka mida xaaladaha dhimashana laga soo diiwaan-geliyay degmada Isku-shuban ee ka tirsan gobolka Bari.
Gaalkacyo waxaa sidoo kale xanuunkan uu ku asiibay ilaa 178 xubnood oo kale una badan carruurta da’doodu ka yartahay 5-ta sano, ilo wareedyo ayaa sheegay faafitaanka cudurka iyo dhimashada sii kordhaysa ay sabab u tahay daryeelo xumo caafimaad oo ka jirta deegaanadaas, si gaara helidda dawada cudurka Diphtheria.
Macluumaadka la helay waxay intaas ku darayaan in bilihii January iyo March ee sannadkan 2025, ay aad u kordheen kiisaska cudurka ilaa 18.2%, waxay tani muujinaysaa sida xowliga ah ee uu cudurkan ku faafayo, cudurkaan loo yaqaan Gowracatada ayaa la aaminsan yahay in inka badan 100 xubnood uu ku dilay Somalia muddooyinkii u dambeeyay, halka uu soo ritay kumannaan kale sida ay muujinayaan tirakoobyada la faafiyay, deegaannada maamulka Puntland uu ka arrimiyo oo kaliya waxaa laga diiwaan geliyay 482 kiis oo ah xanuunkan.
Gowracatada waa cudur halis ah oo ku dhaca hawo-mareenka, waana cudur si fudud ku faafa, waxay dhakhaatiirku sheegeen in la isku qaadsiiyo Qufaca iyo hindhisada, waxaana calaamadaha lagu garto ka mid ah qandho, cunaha oo xanuuna qofka iyo qanjirada qoorta oo barara, waxa sidoo kale la sheegay in cudurka uu ku dhaco maqaarka.
Waana cudur la daweyn karo sidoo kalena leh ka hortag, waxay dhakhaatiirtu sheegeen in cudurkan lagula tacaali karo in bukaanka marka uu haleelo ama calaamadiisa lagu arko uu tallaal qaato.