Iska hor’imaad in mudda ah socday ayaa ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir xilli ay halkaas dhulboob ka wadeen maleeshiyaad katirsan kooxda Ridada Soomaaliya.
Maleeshiyaadka murtadiinta oo wata gaadiidka cagaf cagafta ee ay ku burburiyaan guryaha shacabka ayaa gaaray xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile balse waxay halkaas kala kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid dadka deegaanka.
Maleeshiyaad is abaabulay oo deegaanka ah ayaa iska hor’imaad kala hortay maleeshiyaadka dowladda ee dhulboobka waday, goob joogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay is dhaafsadeen rasaas aad uxooggan.
dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka deegaanka ah ee is abaabulay ay ku guuleysteen in ay is hortaagaan maleeshiyaadkii doonayay in ay cagafta marsiiyaan guryaha shacabka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad caraysan oo isugusoo baxay waddooyinka xaafadda oodweyne iyagoo taageeraya dhalinyarada hubka uqaadatay difaaca guryahooda.
Ugu yaraan sedax ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen iska hor’imaadka iyadoona dhaawacyada qaar laga deyrinayo xaaladooda caafimaad, maleeshiyaadka murtadiinta ayaa la arkayay iyagoo rasaas aan loo meeldayin ku ridaya shacabka.
Odayaasha iyo waxgaradka xaafadda Oodweyne oo warbaahinta lahadlay ayaa ku goodiyay in ay iska difaaci doonaan murtadiinta hororka ku ah hantidooda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay weli ka jiraan xaafadda oodweyne waxaana hakaday dhaq-dhaqaaqii dhulboobka ahaa ee maleeshiyaadka xasan gurguurte ay ka sameyn lahaayeen xaafadda oodweyne.
sanadadii lasoo dhaafay inta badan degmooyinka gobolka banaadir waxaa ka socday dhulboob xad dhaaf ah oo ay sameynayaan saraakiisha kooxda Ridada wuxuuna dhulboobkan uu gaaray heer maleeshiyaadku ay sidii Yahuudda oo kale ay shacabka ku burburiyeen guryahooda iyagoo hurdaya.