Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaal Culus Oo Markale Ka Dhacay Garoowe.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal Culus Oo Markale Ka Dhacay Garoowe.

June 21, 2023

Abbaare saqdii dhexe ee xalay ka dib, waxaa gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, dib uga qarxay dagaallo culus oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka tirsan maamulka Riddada Puntland iyo kuwa mucaaradka ah, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaqa hubka culus iyo midka fudud ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqalayay gudaha magaalada Garoowe, muuqaallo lasoo geliyay baraha Internet-ka ayaa muujinayay xajmiga dagaalka.

Dagaalkan oo billowday abaare 12:00 iyo qadar daqiiqado ah ayaa si gaar ah uga qarxay aagga hotel Kulmiye, isagoo kusii fiday xaafadaha kale, waxa lasoo weriyay in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa soo sheegay in maleeshiyaad gurmad ah ay dhinacyadu soo kala gaarayeen tan iyo habeenkii xalay, Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa kasoo kala baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee gobolka Bari, kuwaas oo sida la sheegay gurmad u ah maamulka talada haya, Sida ay muujinayaan muuqaallo laga soo duubay gaadiidka gurmadka.

Dhinaca kale waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkan soo billowday shalay ee u dhaxeeyay maleeshiyaadka kala taabacsan maamulka murtad Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in khasaaraha dhimasho uu sii cagagaynayo 25 xubnood oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaallamay, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa taliyihii madaxtooyada maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, murtad C/fataax Warsame Rooti iyo 9 askari oo ka mid ahaa ciidankii la socday ee ka tirsanaa maleeshiyaadka Deni.

Marka laga soo tago dagaalladii xalay ka qarxay magaalada Garoowe waxaa saaka yara deggan xaaladda magaalada, ka dib dagaallo culus oo xalay halkaas ku dhexmaray labada maleeshiyo, ee isku haya maamulka loogu magac daray Puntland.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-12-1444-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -03-12-1444-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -21-02-1447 Hijri.

August 15, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-02-1447-Hijri.

August 15, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.

August 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada