Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Afrika dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii dagaal culus uu laba maleeshiyo ku dhaxmaray xaafado katirsan magaalada Bangui ee caasimaddaah.
Ciwad Alkariim oo ah Imaamka Masjidka Babolo ayaa warbaahinta u sheegay in jamaacada masjidka ayuu aruuriyeen meydadka illaa 30 ruux.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo maamula xaafadaha muslimiintu ku badanyihiin ay lacago Canshuura ah kusoo rogeen ganacsatada kadibna waxaa weerar qaaday maleeshiyaad kale oo ilaalo ka ahaa suuqa ugu weyn magaalada Bangui.
Dab xooggan oo ka kacay suuqa lagu dagaallamay ayaa sababay in ay gubtaan illaa 50 dukaan iyo bakhaarro ganacsi, afhayeen u hadlay ciidamada Q.Midoobay ee ku sugan wadanka Afrikada dhexe ayaa sheegay in ay ku guuldarraysteen joojinta dirirta.
Sanadadii lasoo dhaafay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Afrikada dhexe ayaa wajahayay weeraro laayaan ah oo uga imaanayay maleeshiyaad Nasaaro ah oo taageera ka helaya waxa loogu yeero beesha caalamka.