Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • DefenceOne: 93% Awooda Al-Shabaab Way Korortay Iyado Ay Socdaan Duqeymaha Maraykanka.
  • Allposts
  • Warar

DefenceOne: 93% Awooda Al-Shabaab Way Korortay Iyado Ay Socdaan Duqeymaha Maraykanka.

October 8, 2019

Warbixin ay qortey haweeney ka faalloota arimaha Amaanka, xubinna ka ah machadka New America’s International Security Program, ee sameeya diraasaadka ka hadla arimaha Amniga, ayay ku sheegtay iney aad u kordheyso awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli dalka Soomaaliya ay ka dhacayaan howlgallo militeri oo ay fulinayaan ciidamada Maraykanka.

Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “waxyeellada ka dhalaneysa dagaalka qarsoon ee maamulka Trump kaga jiro Soomaaliya” ayaa waxaa qortey haweeney lagu magacaabo Mellisa Salyk, waxaana lagu baahiyay website-ka DefenceOne ee laga leeyahay Maraykanka.

Qeybaha hore ee warbixinta waxay kaga hadashey duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya, tan iyo markii uu talada Aqalka cad la wareegay Donlad Trump, waxayna sheegtay in weeraradaas ay ku dhinteen dad shacab ah, islamarkaana waxyeello gaarsiiyeen misdaaqiyadda Maraykanka.

“6-dii Decembar 2017-ka, diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyey gaari ay dad shacab ah saarnaayeen, oo kusii jeeday tuulada Ilimey oo qiyaastii 130KM koofnur galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasna waxaa ku dhintay 5 qof oo shacab ah” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxay Warbixintu intaa ku dareysaa in sheegashada Africom ee ah in dadka ay beegsatay ahaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab, aaney daweyn cabashada shacabka Soomaalida, oo hadda dareemaya halista kaga imaaneysa diyaaradaha Drones-ta Maraykanka.

Sida ay sheegeyso Mu’assada New America, duqeymaha Maraykanka, iyo weerada habeen guureynta ah ee ay ciidamadu Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya ayaa aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo waxyeellada ugu badan ay kasoo gaareyso dad maatida ah.

Xilligii uu Obama talada hayay, gaar ahaan sanadkii 2016-ka, duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya waxay gaarayeen 13 duqeyn, balse markii uu Trump la wareegay Aqalka cad, sanadba sanadka ka dambeeya koror ayaa ku imaanayay duqeymaha.

Sanadkii 2017-ka tirada duqeymaha Maraykanka uu ka fuliyay Soomaaliya waxay gaareen 38 duqeyn, halka 2018-kana ay noqdeen 47 duqeyn. Duqeymahaas intooda ugu badnna waxay gallaafteen noloshoa ardey, beeraley, ganacsato, xitaa kama badbaadin caruurta dhallaanka ee dhabta hooyooyinkoda ku jira.

Haweeneyda qortay Warbixinta waxay is weydiineysaa “ Duqeymahan ma waxay hoos u dhigayaan waxa loogu yeero “Argagaxisada” Soomaaliya, mise waxay sii kordhinayaan dhibaatada gaareysa shacabka iyo misdaaqiyadda Maraykanka ?

Waxay Warbixintu soo gudbineysaa in Africom ay mar weliba sheegato in duqeymaha ay fulineyso aaney wax ku noqon dad shacab ah, taas bedelkeedana ay beegsadeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheegashooyinkaas waxay ka hor imaanaayaan xaqiiqda ka jirta wadanka, waxaa sidoo kale burinaya warbixinnada ay soo saarayaan hay’adaha Xuquuqda oo ay ugu dambeysay Amnesty, taas oo sheegtay in ciidamada Maraykanku si argagax leh u beegsayaan dadka shacabka ah ee ku nool koonfurta Soomaaliya.

Waxay Africom ku doodeysa in asaaliibta iyo wadiiqooyinka ay u marto xogaha sirdoon ee ku hogaaminaya fulinta duqeymaha ay yihiin kuwa qarsoodi ah, oo aan la siin Karin hay’adaha aan milliteriga ahayn, waxayna mu’assada New America ay sheegeysaa in baaritaanno ay sameysay ku ogaatay in dad shacab ah ku dhinteen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Maraykanka.

Warbixinta ay qortey Mellisa, oo ah xubin katirsan machadka New America’s International Security Program, waxay qeybaha dambe kaga hadleysaa in awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii korortey, inkastoo Africom ay ku doodeyso iney dishey dagaalyahanno badan.

“Inkastoo AFRICOM ay sheeganeyso in howlgallada duqeymaha ee ay ka fulineyso Soomaaliya ku dishey dagaalyahanno aad u badan, hadana weli majirto nuqsaan ku timid awooda Al-Shabaab, balse taas caksigeeda, warbixin laga qoray korarka Argagaxisada caalamiga, waxay sheegeysaa in korar gaaraya 93% uu ku yimid howlgallada ay Al-Shabaab ka fulineyso Soomaaliya, taasina waxay keentay in dalku kamid noqdo lixda wadan ee saameynta ugu badan ku leeyihiin waxa loogu yeero argagaxisada” ayay tiri haweeneyd qorta warbixintan,

Waxay cadeyn ahaan usoo qaadatay, weerardii waaweynaa ee 30-kii bishii lasoo dhaafay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waqti isku mid ah ka fulisay magaalada Muqdisho iyo saldhiga garoonka Bellidoogle oo ah halka ay kasoo duulaan diyaaradaha dronesta ee fuliyaha duqeymaha ay ku dhimanayaan dadka shacabka ah.

Weerarka Bellidoogle waxaa ku naf waayay 121 askari oo Maraykan ah, 12 Yahuudi ah, iyo 40 qandaraaslayaal ah, halka weerarkii Muqdisho oo beegsaday saraakiil katirsan midowga Yurub ay ku dhinteen ugu 2 sarkaal.

Siyaasiyiinta Maraykanka ee qaabilsan arimaha waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa dhaliilaya siyaasadda Trump ee Soomaaliya, waxayna sheegayaan in duqeymaha drones bil caksi ay sii kordhiyeen awooda iyo weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Nicklos Russmeson oo horey madax  uga ahaa xarunta qaranka ee la dagaalanka Argagaxisada, hadana ah madaxa Amniga Qaranka iyo la dagaalanka Argagixisada ee machadka Mackin ayaa yiri “ weli iima cada in siyaasadan lagu socdo ay yareyn karto dhibaatada waxa looga Argagaxisada geeska Africa”.

Marka laga soot ago in weerarada duqeymaha ah aaney hoos u dhigin awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaba ay ka marqaati kacayaan siyaasiyiinta Maraykanka, waxay duqeymuhu dhulka la galeen misdaaqiyadda Maraykanka, bayaanaadka Africom-na waxay noqdeen kuwa aaney ku kalsoonaan Karin warbaahinta iyo xitaa Shacabka Maraykanka.

“Inkastoo AFRICOM ay diidantahay in duqeymaha ay fulineyso ay wax ku noqdaan dad shacab ah, hadana bishii April waxay soo saartay bayaan ay ku sheegeyso in duqeyn bishii MAY 2018-ka ka dhacday Soomaaliya ay ku dhinteen labo qof oo shacab ah”  ayaa tiri haweeneyda qortay warbixinta.

Ugu dambeyn warbixinta waxay sheegeysaa in siyaasadda duqeymaha caga cirka ah ee uu Maraykanku ka wado Soomaaliya ay tahay mid fashil ah oo aan lag gaareyn hadafka laga leeyahay, waxayna ku Talisay in la qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn milliteri.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Shabeelada Hoose Ka Dhacay.
Next: Xog Laga Helayo Dilka Axmed Madheyto.

Related Stories

Dhagayso Sh Abuu Nabhaan Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Askarta Badan Lagu Dilay Ee Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Sh Abuu Nabhaan Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Askarta Badan Lagu Dilay Ee Ceel-qooxle.

June 22, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1446-Hijri.

June 22, 2025
Mucaaradka Ugu Xooggan Xassan Gurguurte Oo Ku Kulmay Garoowe.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Ugu Xooggan Xassan Gurguurte Oo Ku Kulmay Garoowe.

June 22, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)

June 9, 2025

Sawirro

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada