Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • DefenceOne: 93% Awooda Al-Shabaab Way Korortay Iyado Ay Socdaan Duqeymaha Maraykanka.
  • Allposts
  • Warar

DefenceOne: 93% Awooda Al-Shabaab Way Korortay Iyado Ay Socdaan Duqeymaha Maraykanka.

October 8, 2019

Warbixin ay qortey haweeney ka faalloota arimaha Amaanka, xubinna ka ah machadka New America’s International Security Program, ee sameeya diraasaadka ka hadla arimaha Amniga, ayay ku sheegtay iney aad u kordheyso awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli dalka Soomaaliya ay ka dhacayaan howlgallo militeri oo ay fulinayaan ciidamada Maraykanka.

Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “waxyeellada ka dhalaneysa dagaalka qarsoon ee maamulka Trump kaga jiro Soomaaliya” ayaa waxaa qortey haweeney lagu magacaabo Mellisa Salyk, waxaana lagu baahiyay website-ka DefenceOne ee laga leeyahay Maraykanka.

Qeybaha hore ee warbixinta waxay kaga hadashey duqeymaha aan loo meel dayin ee diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya, tan iyo markii uu talada Aqalka cad la wareegay Donlad Trump, waxayna sheegtay in weeraradaas ay ku dhinteen dad shacab ah, islamarkaana waxyeello gaarsiiyeen misdaaqiyadda Maraykanka.

“6-dii Decembar 2017-ka, diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyey gaari ay dad shacab ah saarnaayeen, oo kusii jeeday tuulada Ilimey oo qiyaastii 130KM koofnur galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasna waxaa ku dhintay 5 qof oo shacab ah” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxay Warbixintu intaa ku dareysaa in sheegashada Africom ee ah in dadka ay beegsatay ahaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab, aaney daweyn cabashada shacabka Soomaalida, oo hadda dareemaya halista kaga imaaneysa diyaaradaha Drones-ta Maraykanka.

Sida ay sheegeyso Mu’assada New America, duqeymaha Maraykanka, iyo weerada habeen guureynta ah ee ay ciidamadu Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya ayaa aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo waxyeellada ugu badan ay kasoo gaareyso dad maatida ah.

Xilligii uu Obama talada hayay, gaar ahaan sanadkii 2016-ka, duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya waxay gaarayeen 13 duqeyn, balse markii uu Trump la wareegay Aqalka cad, sanadba sanadka ka dambeeya koror ayaa ku imaanayay duqeymaha.

Sanadkii 2017-ka tirada duqeymaha Maraykanka uu ka fuliyay Soomaaliya waxay gaareen 38 duqeyn, halka 2018-kana ay noqdeen 47 duqeyn. Duqeymahaas intooda ugu badnna waxay gallaafteen noloshoa ardey, beeraley, ganacsato, xitaa kama badbaadin caruurta dhallaanka ee dhabta hooyooyinkoda ku jira.

Haweeneyda qortay Warbixinta waxay is weydiineysaa “ Duqeymahan ma waxay hoos u dhigayaan waxa loogu yeero “Argagaxisada” Soomaaliya, mise waxay sii kordhinayaan dhibaatada gaareysa shacabka iyo misdaaqiyadda Maraykanka ?

Waxay Warbixintu soo gudbineysaa in Africom ay mar weliba sheegato in duqeymaha ay fulineyso aaney wax ku noqon dad shacab ah, taas bedelkeedana ay beegsadeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheegashooyinkaas waxay ka hor imaanaayaan xaqiiqda ka jirta wadanka, waxaa sidoo kale burinaya warbixinnada ay soo saarayaan hay’adaha Xuquuqda oo ay ugu dambeysay Amnesty, taas oo sheegtay in ciidamada Maraykanku si argagax leh u beegsayaan dadka shacabka ah ee ku nool koonfurta Soomaaliya.

Waxay Africom ku doodeysa in asaaliibta iyo wadiiqooyinka ay u marto xogaha sirdoon ee ku hogaaminaya fulinta duqeymaha ay yihiin kuwa qarsoodi ah, oo aan la siin Karin hay’adaha aan milliteriga ahayn, waxayna mu’assada New America ay sheegeysaa in baaritaanno ay sameysay ku ogaatay in dad shacab ah ku dhinteen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Maraykanka.

Warbixinta ay qortey Mellisa, oo ah xubin katirsan machadka New America’s International Security Program, waxay qeybaha dambe kaga hadleysaa in awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii korortey, inkastoo Africom ay ku doodeyso iney dishey dagaalyahanno badan.

“Inkastoo AFRICOM ay sheeganeyso in howlgallada duqeymaha ee ay ka fulineyso Soomaaliya ku dishey dagaalyahanno aad u badan, hadana weli majirto nuqsaan ku timid awooda Al-Shabaab, balse taas caksigeeda, warbixin laga qoray korarka Argagaxisada caalamiga, waxay sheegeysaa in korar gaaraya 93% uu ku yimid howlgallada ay Al-Shabaab ka fulineyso Soomaaliya, taasina waxay keentay in dalku kamid noqdo lixda wadan ee saameynta ugu badan ku leeyihiin waxa loogu yeero argagaxisada” ayay tiri haweeneyd qorta warbixintan,

Waxay cadeyn ahaan usoo qaadatay, weerardii waaweynaa ee 30-kii bishii lasoo dhaafay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waqti isku mid ah ka fulisay magaalada Muqdisho iyo saldhiga garoonka Bellidoogle oo ah halka ay kasoo duulaan diyaaradaha dronesta ee fuliyaha duqeymaha ay ku dhimanayaan dadka shacabka ah.

Weerarka Bellidoogle waxaa ku naf waayay 121 askari oo Maraykan ah, 12 Yahuudi ah, iyo 40 qandaraaslayaal ah, halka weerarkii Muqdisho oo beegsaday saraakiil katirsan midowga Yurub ay ku dhinteen ugu 2 sarkaal.

Siyaasiyiinta Maraykanka ee qaabilsan arimaha waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa dhaliilaya siyaasadda Trump ee Soomaaliya, waxayna sheegayaan in duqeymaha drones bil caksi ay sii kordhiyeen awooda iyo weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Nicklos Russmeson oo horey madax  uga ahaa xarunta qaranka ee la dagaalanka Argagaxisada, hadana ah madaxa Amniga Qaranka iyo la dagaalanka Argagixisada ee machadka Mackin ayaa yiri “ weli iima cada in siyaasadan lagu socdo ay yareyn karto dhibaatada waxa looga Argagaxisada geeska Africa”.

Marka laga soot ago in weerarada duqeymaha ah aaney hoos u dhigin awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaba ay ka marqaati kacayaan siyaasiyiinta Maraykanka, waxay duqeymuhu dhulka la galeen misdaaqiyadda Maraykanka, bayaanaadka Africom-na waxay noqdeen kuwa aaney ku kalsoonaan Karin warbaahinta iyo xitaa Shacabka Maraykanka.

“Inkastoo AFRICOM ay diidantahay in duqeymaha ay fulineyso ay wax ku noqdaan dad shacab ah, hadana bishii April waxay soo saartay bayaan ay ku sheegeyso in duqeyn bishii MAY 2018-ka ka dhacday Soomaaliya ay ku dhinteen labo qof oo shacab ah”  ayaa tiri haweeneyda qortay warbixinta.

Ugu dambeyn warbixinta waxay sheegeysaa in siyaasadda duqeymaha caga cirka ah ee uu Maraykanku ka wado Soomaaliya ay tahay mid fashil ah oo aan lag gaareyn hadafka laga leeyahay, waxayna ku Talisay in la qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn milliteri.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Shabeelada Hoose Ka Dhacay.
Next: Xog Laga Helayo Dilka Axmed Madheyto.

Related Stories

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.
  • Allposts
  • Warar

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.

April 23, 2026
Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada