Maktabka Qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay maalinta berito oo Arboco ah ay tahay Ramadaan kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay deegaano ka tirsan wilaayaatka Islaamiga ee Soomaaliya.
War kasoo baxay maktabka Garsoorka ayaa lagu sheegay in bisha lagu arkay deegaan lagu magacaabo Jameeco-Mubaarak oo dhaca duleedka degmada Buula barde ee Wilaayada Islaamiga Hiiraan.
Maktabka qadaha ayaa xaqiijiyay in dadka arkay curashada bisha Ramadaan ay yihiin dad lagu kalsoonaan karo ammaanadooda, waxaana sidaas darteed uu maktabku ku dhawaaqay in maalinta berito oo Arboco ah ay tahay koowda bisha barakeysan ee Ramadan.