Kadib markii kooxda Gurguurte ay ka faraxalatay maamulkii C/Casiis Laftagareen, isla markaana ay haatan u jihaysteen dhinaca maamulka Jubbaland, ayuu digniin culus soo saaray madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland murtad Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxa uu sheegay in kooxda riddada ee Villa Soomaaliya ay haatan u tafa-xaydatay sidii ay u burburin lahayd maamul-goboleedyada ka jira dalka, waxaanu ugu baaqay maleeshiyaadka Puntland in ay diyaar-garoobaan, isagoo uga digay in ay noqdaan sida maleeshiyaadkii laga adkaaday ee Laftagareen.
Murtad Saciid Cabdullaahi Deni waxa kale oo weerar afka ah uu ku qaaday mid ka mida culamaa’u-suuga ka hoos-shaqeeya kooxda riddada Soomaaliya oo lagu magacaabo murtad Cali Wajiis, kaas oo Gurguurte iyo kooxdiisa ugu baaqay in ay ka takhallusaan Axmed-madoobe iyo Deni.
Diyaar-garowgan uu ku baaqay murtad Deni ayaa imanaya xilli kooxda Riddada Soomaaliya ay isku diyaarinayso dagaal ay ku qaaddo Axmed-madoobe iyo maamulkiisa, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in abaabul xooggani uu ka socdo Muqdisho iyo weliba Baydhabo.