Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhaawacyada Shacabka Muslimiinta Boorma Oo Loo Diiday In Dhiig Loo Shubo [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Dhaawacyada Shacabka Muslimiinta Boorma Oo Loo Diiday In Dhiig Loo Shubo [Warbixin].

December 26, 2018

Wadanka Boorma wararka laga helayo ayaa sheegaya in xukuumada Myanmar ay dadka musliminta ah ee kasoo jeeda gobolka Rohinga gaar ahaan kuwooda la ildaran xanuunada ay u diiday in Isbitalada wadankaasi dhiig looga shubo.

Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka oo soo xiganaya illaa lix hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa shaciyay in dadka muslimiinta ah ee xanuunsanaya aysan dhiig ka helin Isbitallada xukuumada Myanmar xitaa haddii ay naftooda halis ku jirto.

Washington Post waxay sheegtay in Muslimiinta Rohinga ay ku nool yihiin Kaamam ciriiri ah oo ku yaala gobolka Araakan kadib markii xoog loogasoo barakiciyey guryihii ay deganayen halkaasna ay ku heysato xaalad caafimaad darro iyo mid nolol xumo oo aad u daran.

 

Baniyada dhiiga bixiya ee ku yaalla gobolka Rohinga ayaa si bareer ah dhiigga ugu diida qof kasta oo muslim ah waxa ayna ku andaconayaan in amarkaasi uu kaga yimid dhanka xukumadda iyagoo aan kala sooceyn xaaladaha caafimaad ee degdega ah iyo kuwa iska caadiga ah.

Hey’adaha ka shaqeeyo arrimaha gargaarka ee booqday kaamamka ku yaala gobolka Araakaan ayaa intaas ku daray in sababta ugu weyn ee dadka musliminta ah dhiigga loogu diidayo in ay tahay dadka Buudiyiinta ah oo aan ogoleyn in dhiigooda la siiyo qof aan Buudi ahayn Isbitaalladuna ay ku qasban yihin in ay dalabkaasi cunsurinimada ah fuliyaan ama ay waayaan Kalyanti ay dhiig joogta ah ka helaan.

Boqolaal dad muslimin ah oo la ildaran xanuuno kala duwan ayaa ku sugan gudaha kaamamka gobolka Arakaan sidoo kalena waxaa jiro boqolaal qof oo qalliino u baahan haba ugu badnaadaane dumarka foosha ah iyo dadka qaba dhaawacyada kala duwan.

Xilli ay taagan tahay duruuftan adag ayaa la sheegayaa in qaar kamid ah Naashidiinta ku sugan gudaha kaamamka Rhinga ay bilaabeen Mashruuc dhiig looga aruurinayo dadka Musliminta ah, si loogu badbaadiyo Muslimiinta kale ee u baahan mashruucaas oo uu hogaaminayo Nin ganacsade Muslim ah oo deegaanka kasoo jeeda, kaas oo wixii uu hanti lahaa u huray, soo bandhigista iyo kaalmeynta dadka tabaaleysan ee halkaasi ku dhaqan.

No Mawng waa 48 sano jir ah oo kasoo jeeda isla gobolka Arakan waana ganacsadaha iminka bilaabay mashruucan dhigga loogu aruurinayo dadka Musliminta Rohinga, wuxuuna sheegay in qof kasta oo shubaya Bac dhiig ah ay ugu deeqayaan lacag dhan 10 dollar si uu xaajaadkiisa ugu kaalmeysto, uuna qeyb kaga noqdo dadka dhiigooda ugu deeeqaya walalahooda musliminta ah ee u baahan.

Waxa uu sheegay in lacagta ay bixinayaan aysan ahayn mid ay dhiigga qofka ku gadanayaan balse ay tahay kaalmo ay siinayaan maadaama qofka dhiiga shubay uusan mudo dhowr maalin ah qoyskiisa u shaqeyn Karin, muhiimna ay tahay in dadku ay arinkaasi ogaadaan.

Ciidanka Military Xukumada Myanmar iyo Maleshiyad Buudiyiin ah oo iskaashanaya ayaa wadankan ka wada isir sifeyn ay ku hayaan dadka musliminta ah ee laga tirada badan yahay, waxana la xasuusta in sanadkii lasoo dhaafay ay gobolka Arakaan ka geysten xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka musliminta, halkaas oo ay ku dileen boqolaal qof sidoo kalena ay ku barakiciyen Kumanaan kale.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Yahuudda Oo Duqeymo Ka Gaystaay Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Dimishiq Ee Caasimadda Suuriya.
Next: Cabdi Llaahi Af-dhashiike Oo Dhaawac Soo Gaaray U Dhintay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 22-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 22-02-1447 Hijri.

August 15, 2025
Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Weeraray Deegaan Ka Tirsan Gobolka Gaarissa.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Weeraray Deegaan Ka Tirsan Gobolka Gaarissa.

August 15, 2025
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 21-02-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 21-02-1447H.

August 15, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada