Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhaawacyada Shacabka Muslimiinta Boorma Oo Loo Diiday In Dhiig Loo Shubo [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Dhaawacyada Shacabka Muslimiinta Boorma Oo Loo Diiday In Dhiig Loo Shubo [Warbixin].

December 26, 2018

Wadanka Boorma wararka laga helayo ayaa sheegaya in xukuumada Myanmar ay dadka musliminta ah ee kasoo jeeda gobolka Rohinga gaar ahaan kuwooda la ildaran xanuunada ay u diiday in Isbitalada wadankaasi dhiig looga shubo.

Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka oo soo xiganaya illaa lix hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa shaciyay in dadka muslimiinta ah ee xanuunsanaya aysan dhiig ka helin Isbitallada xukuumada Myanmar xitaa haddii ay naftooda halis ku jirto.

Washington Post waxay sheegtay in Muslimiinta Rohinga ay ku nool yihiin Kaamam ciriiri ah oo ku yaala gobolka Araakan kadib markii xoog loogasoo barakiciyey guryihii ay deganayen halkaasna ay ku heysato xaalad caafimaad darro iyo mid nolol xumo oo aad u daran.

Baniyada dhiiga bixiya ee ku yaalla gobolka Rohinga ayaa si bareer ah dhiigga ugu diida qof kasta oo muslim ah waxa ayna ku andaconayaan in amarkaasi uu kaga yimid dhanka xukumadda iyagoo aan kala sooceyn xaaladaha caafimaad ee degdega ah iyo kuwa iska caadiga ah.

Hey’adaha ka shaqeeyo arrimaha gargaarka ee booqday kaamamka ku yaala gobolka Araakaan ayaa intaas ku daray in sababta ugu weyn ee dadka musliminta ah dhiigga loogu diidayo in ay tahay dadka Buudiyiinta ah oo aan ogoleyn in dhiigooda la siiyo qof aan Buudi ahayn Isbitaalladuna ay ku qasban yihin in ay dalabkaasi cunsurinimada ah fuliyaan ama ay waayaan Kalyanti ay dhiig joogta ah ka helaan.

Boqolaal dad muslimin ah oo la ildaran xanuuno kala duwan ayaa ku sugan gudaha kaamamka gobolka Arakaan sidoo kalena waxaa jiro boqolaal qof oo qalliino u baahan haba ugu badnaadaane dumarka foosha ah iyo dadka qaba dhaawacyada kala duwan.

Xilli ay taagan tahay duruuftan adag ayaa la sheegayaa in qaar kamid ah Naashidiinta ku sugan gudaha kaamamka Rhinga ay bilaabeen Mashruuc dhiig looga aruurinayo dadka Musliminta ah, si loogu badbaadiyo Muslimiinta kale ee u baahan mashruucaas oo uu hogaaminayo Nin ganacsade Muslim ah oo deegaanka kasoo jeeda, kaas oo wixii uu hanti lahaa u huray, soo bandhigista iyo kaalmeynta dadka tabaaleysan ee halkaasi ku dhaqan.

No Mawng waa 48 sano jir ah oo kasoo jeeda isla gobolka Arakan waana ganacsadaha iminka bilaabay mashruucan dhigga loogu aruurinayo dadka Musliminta Rohinga, wuxuuna sheegay in qof kasta oo shubaya Bac dhiig ah ay ugu deeqayaan lacag dhan 10 dollar si uu xaajaadkiisa ugu kaalmeysto, uuna qeyb kaga noqdo dadka dhiigooda ugu deeeqaya walalahooda musliminta ah ee u baahan.

Waxa uu sheegay in lacagta ay bixinayaan aysan ahayn mid ay dhiigga qofka ku gadanayaan balse ay tahay kaalmo ay siinayaan maadaama qofka dhiiga shubay uusan mudo dhowr maalin ah qoyskiisa u shaqeyn Karin, muhiimna ay tahay in dadku ay arinkaasi ogaadaan.

Ciidanka Military Xukumada Myanmar iyo Maleshiyad Buudiyiin ah oo iskaashanaya ayaa wadankan ka wada isir sifeyn ay ku hayaan dadka musliminta ah ee laga tirada badan yahay, waxana la xasuusta in sanadkii lasoo dhaafay ay gobolka Arakaan ka geysten xasuuq wadareedyo ka dhan ah dadka musliminta, halkaas oo ay ku dileen boqolaal qof sidoo kalena ay ku barakiciyen Kumanaan kale.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Yahuudda Oo Duqeymo Ka Gaystaay Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Dimishiq Ee Caasimadda Suuriya.
Next: Cabdi Llaahi Af-dhashiike Oo Dhaawac Soo Gaaray U Dhintay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri

June 18, 2026
Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.

June 18, 2026
Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.

June 18, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada