Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhagayso: Duqeymaha Ay Kenya Ku Hayso Dadka Rayidka Ah Ma Noqon Doonaan Ciqaab La’aan [BAYAAN].
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso: Duqeymaha Ay Kenya Ku Hayso Dadka Rayidka Ah Ma Noqon Doonaan Ciqaab La’aan [BAYAAN].

June 19, 2023

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan muhiim ah oo uu cinwaan uga dhigay “Weerarada fulaynimada ah ee ay Kenya ku hayso dadka rayidka ah ma noqon doonaan ciqaab la’aan”, kaas oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska.

Bayaanka taliska ka kooban 2 Page waxaa uu marka hore taliska ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ay ciidamada mujaahidiintu ka wadaan dhulka NFD iyo Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato.

“Taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuu si weyn u bogaadiyaa howlgallada militari ee todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhulalka gumaysiga ku jira ee Muslimiinta Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraro qorsheysan oo xiriir ah ku qaaday ciidamada difaaca Kenya iyo saraakiisha qeybta ka ah howlgalka guud ee ciidamada Kenya ee ku sugan magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer iyo deegaano ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu.

Taliska oo sii hadlayay ayaa sheegay in weeraradaas lagu dilay ciidamo ka tirsan military-ga saliibiyiinta Kenya iyo ciidanka loo yaqaan GSU, ee ka howlgala deegaanada dhaca xadbeenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

“Howlgalladan barakeysan oo kii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Pandanguwa iyo Witu ee gobolka Lamu ayaa waxaa ka dhashay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan askari oo ka tirsana ciidamada KDF iyo kuwa loo yaqaano GSU, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo kuwa gaashaaman ee ciidamada lagu daabulo. Mahad oo dhan Allaah ayay u sugnaatay.” Ayaa lagu yiri byaanka.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri “Taliska ciidamadu wuxuu bogaadinayaa dadaallada ay Mujaahidiintu ku beegsanayaan ciidamada cadowga, wuxuuna mahad-celin u jeedinayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka qeyb qaatay sahminta, diyaarinta, qorsheynta iyo fulinta weeraradaas”.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in in militaryga Kenya iyagoo ka jawaabaya weeraradaas lagu laayey ciidankooda ay si fuleynimo ah u beegsadeen dadka rayidka ah, ee kunool magaalooyinka Jilib, Saakow iyo Salagle ee wilaayada Jubbooyinka.

“Halkii ay ahayd inay iska dhiciyaan mujaahidiinta kula dagaalamaya furimaha dagaalka ee gudaha dhulalka ay xoogga ku haystaan, waxay ciidamada fulayada ah ee saliibiyiinta ah bilaabeen inay beegsadaan shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalooyinka Jilib, Saakow iyo Salagle ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka, kuna burburiyaan hanti iyo kaabayaal dhaqaale. Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha duqeymahaas fuleynimada ah waa haween iyo caruur” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka oo sii socda ayaa markale lagu yiri “Weerarada ka dhanka ah Muslimiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa qayb ka ah jariimooyinka ay gaalada Kenya kula kacayaan shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed. Ciidamada Kenya ayaa caado ka dhigtay inay si bareer ah u bahdilaan, tacadiyo iyo dilal bareer ahna u geystaan dadka muslimiinta ah ee birimagaydada ah, waxaana xasuuqyadii ay kumanaanka Muslimiinta ah ugu geysteen Isiyeeloow, Gaarisa iyo Wagaala ay cadeyn u yihiin wuxuushnimadooda.”.

Ugu dambeyntii taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa u tacsiyeeyey ehellada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday duqeymihii dhawaan ka dhacay Jilib, Saakow iyo Salagle, wuxuuna taliska ku goodiyay in weerarada xagga cirka ah ee ay dowladda Kenya ka geysaneyso koonfurta Soomaaliya aysan noqon doonin ciqaab la’aan, islamarkaana ay ka bixin doonto jawaab degdeg ah.

Bayaanka waxaa lagu yiri: “Saliibiyiinta Kenya waa in ay ogaadaan in weerarada aan loo meel dayin ee ay ku hayaan haweenka iyo carruurta birimagaydada ah ee Wilaayaatka Islaamiga ah aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dagaalka ay ku Mujaahidiintu kula jiraan, sidoo kalena aysan baajin doonin weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya. Taliska ciidamada Mujaahidiintu wuxuu u xaqiijinayaa saliibiyiinta Kenya in weerarada aan loo meel dayin ee ka dhanka ah muslimiinta aysan noqon doonin kuwo ciqaab la’aan ah, waxayna Mujaahidiintu wacad ku marayaan inay falalkaas wuxuushnimo ka bixin doonaan jawaab ku haboon oo degdeg ah”

Halkan Ka Degso Bayaanka Taliska Oo PDF Ah.

Halkan Ka Dhagayso Bayaanka Taliska Ciidanka.

https://calamada.com/wp-content/uploads/2023/06/Bayaanka-Taliska.mp3

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo+Dhagaysi: Ciidanka Uganda Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Golweyn.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-12-1444 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-04-1447-Hijri.

October 6, 2025
Dhagayso Dardaaranka Mid Ka Mid Ah Inghimaasiyiintii Weerartay Dhismaha Godka Jilicoow.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Dardaaranka Mid Ka Mid Ah Inghimaasiyiintii Weerartay Dhismaha Godka Jilicoow.

October 5, 2025
Shan Gaalo Ah Oo Lagu Dilay Mandheera Iyo Askar Lagu Dhaawacay Afgooye. Sawir Hore Weerar Mandheera
  • Allposts
  • Warar

Shan Gaalo Ah Oo Lagu Dilay Mandheera Iyo Askar Lagu Dhaawacay Afgooye.

October 5, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada