Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Kenya, kuwaas oo kasoo hor-jeeda musuqmaasuqa, sare u kaca maciishada iyo tacaddiyada joogtada ah ee dilku ka mid yahay ee ciidanka boolisku ay ku hayaan dadka rayidka ah.
Waaberigii saaka, ciidanka booliisku waxay xireen waddooyinka waaweyn ee gala xarunta ganacsiga ee caasimadda, halka dhismayaasha dowladdana lagu xiray silig ama Taar-yahuudiga sida ay dadka qaar u yaqaanaan.
Bannaanbaxyadan oo sidoo kale salka ku haya qof shacab ah oo dhawaan ciidanka boolisku ay si bareer ah ugu dhex dileen xabsiga ayaa dhanka kalena lagu soo aadiyey sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dibad-baxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee looga soo horjeeday kor-u-qaadista cashuuraha oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof, 20 kalena ilaa hadda lagu la’yahay.
Saraakiisha booliiska oo xirnaa qalabka ka hortagga mudaharaadka ayaa xadidayay gaadiidka waddooyinka badankood ee u dhow bartamaha ganacsiga Nairobi, sida ay soo tebiyeen qaybo ka mida warbaahintu.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalay qoraal ku soo dhigtay barteeda X, waxay digniin u dirtay mudaharaadayaasha iyadoo ugu baaqday in aanay gelin xarumaha dowladda. Iyadoo sidoo kalena isla shalay ay digniin arrintan ku saabsan soo saareen safaaradaha Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, iyo dalalka Galbeedka.
Labo sarkaal oo booliis ah ayaa toddobaadkii hore xabsiga loo taxaabay kadib rasaas lagu furay qof rayid ah oo aan hubaysanayn intii lagu jiray mudaharaad Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa dhimashada nin lagu magacaabi jiray Ojwang, oo ahaa macalin baraha bulshada wax ku qori jiray.
Taliyaha booliiska Kenya ayaa markii hore tilmaamay in Ojwang is-dilay balse markii dambe raaligelin ka bixiyay kaddib markii baaritaan lagu ogaaday in dhaawacyadiisu yihiin kuwo lagu dhaawacay.
Madaxweynaha Kenya Gaal William Ruto ayaa qiray falkaasi, waxaanu sheegay in Ojwang uu ku dhintay gacanta booliiska.