Madaxweynaha dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka, Donald Trump ayaa halkiisa kasii wada weerarada dhanka afka ah ee uu ku qaadayo Soomaalida iyo dalkooda.
Isagoo ku guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka cad, ayuu Trump markale Soomaalida ku tilmaamay kuwa burcadnidamada ku fiican, isaga oo dhanka kale dalka Soomaaliyana ku tilmaamay mid aan jirin, haddii uu jirana ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu liita adduunka.
Mar uu arrinkaas ka hadlayay ayuu Trump yiri “Soomaaliya ma aha waddan dhab ah, wax nidaam dowladeed ah ma lahan. Haddii ay tahay waddan, waa mid ka mid ah waddamada ugu liita adduunka.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Trump Soomaalida markale ku tilmaamay kuwa burcadnimada ku fiican “Wax kaliya oo ay ku fiican yihiin waa burcad-badeednimada, waa kuwa khubaro ku ah qabsashada maraakiibta waaweyn.” Ayuu yiri.
Trump, ayaa waayadii dambe caadeystay in uu weeraro dhanka afka ah ku qaado dadka Soomaaliyeed iyo dalkooda, waxayna hadalladaas xoogeysteen markii uu meesha ka saaray xeerar gaaleed caddeynayay inaan dalkooda dib loogu celin karin Soomaalida qaxootiga ku ah dalkiisa.