Donald Trump madaxweynaha dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa markale weerar afka ah ku qaaday shacabka soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya.
Isagoo weli sii wada hadallada aflagaadada ah ee ka dhanka ah soomaalida ayuu Trump khudbad cusub oo uu jeediyay ku sheegay in soomaalidu ay yihiin wasakh bullaacad ah islamarkaana dalka soomaaliya uu yahay mid aad uxun.
Gaal Trump ayaa hadalkiisa ku dhidbay in jaaliyadaha soomaalida ee Mareykanka soo galay ay yihiin dambiilayaal.
Ma ahan markii ugu horraysay ee madaxweynaha dowladda saliibiyadda Mareykanka uu weerar afka ah ku qaado shacabka soomaaliyeed.