Maxbuuskan dagaal oo farriintiisa toddobaadkiisa lasoo dhaafay ay baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariya ayaa qayb ka ah maxaabiista dagaal ee urur gaaleedka qaramada midoobay ee lagu qabtay Soomaaliya, wuxuuna oo si gaar ah uga soo jeedaa dalka Kenya, muuqaalkiisa ayuu ku diray farriimo kala duwan oo ku socda madaxweynaha dowladdiisa Kenya, xog-hayaha urur gaaleedka uu ka tirsan yahay ee qaramada midoobay iyo shacabka dalkiisa.
Warbaahinada Kenya ayaa si wayn u faaqidayay farriimaha uu diray Ambrose Kimiti oo ah maxbuuska dagaal ee Qaramada Midoobay, warbaahinnada ugu afka dheer ayaana warbixinno ka qoray muuqaalka Kataa’ib Al-ikhbaariya ee uu kasoo muuqday maxbuuskan.
Qoyskiisa ayuu gaaray muuqaalka, waxayna soo hor fariistaan warbaahinta si ay ugu baaqaan Kenya iyo ururka qaramada midoobay inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sidii loo sii dayn lahaa wiilkooda.
Hooyadiisa oo lagu magacaabo Margrete Wairimu iyo walaalkiisa oo isagana lagu magacaabo Martin Mwangi, ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay inay codsi u dirayaan hay’adaha iyo bulshooyin kale, si ay u xoojiyaan dadaallada horseedi kara in uu xoriyaddiisa helo wiilkooda.
Wiilkooda Kimiti, ayay sheegeen in markii ugu dambeysay ee ay arkeen ay ahayd 27 Diseembar 2023, kolkaas uu ka qaybgalay kuln qoys oo ka dhacay gurigooda oo kuyaal tuulada Kiandege ee degmada Ndaragwa, Wuxuuna kolkaas u sheegay in uu Somalia dib ugu laaban doono maalinta xigta si uu shaqadiisa u sii wato, balse laba toddobaad kadib ay ogaadeen in Kimiti iyo kooxdiisa ay ku dhaceen gacanta Shabaabul Mujaahidiin.
Maxbuuskan hooyadiis Wairimu waxay muujisay niyad jab, iyadoo sheegtay in aysan jirin xiriir toos ah oo ay ka helayaan dhanka urur gaaleedka QM iyo dowladda Kenya.
Mar ay arrimahaas ka hadlaysay maxbuuska hooyadiis waxay tiri “Waxay gaartay heer mas’uuliyiinta qaramada madoobay ay joojiyeen ka jawaabista wicitaannadeenna, oo keliya farriimo ayey ku soo dirayaan. Mar kasta oo aan wax ka weydiinno in horumar la sameeyay, waxay noogu jawaabaan in aysan jirin xog cusub,”.
Waxay si wadajir ah dowladda Kenya iyo hay’adda uu ka tirsan yahay iyo dadweynaha Kenyaanka ah ugu baaqeen in laga wada shaqeeyo sidii loo sii dayn lahaa wiilkooda.
Hooyadiis waxay madaxweynaha Kenya William Ruto ka codsatay in