Rajeb Erdogaan oo ah madaxweynaha xukuumadda Riddada Turkiga ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo halkaas ku tagay booqasho rasmi ah oo Turkigu uu diiradda ku saarayo sidii ay Itoobiya usii ahaan laheyd mid looga heybaysto awoodda amni ee geeska afrika oo Soomaliya ay kujirto.
Isagoo shir jaraa’id ay wada qabanayeen Abiy Axmed R/wasaaraha Xabashida Itoobiya ayuu sheegay in loollanada ka socda geeska qaaradda Afrika ay walaac ku hayaan dowladdiisa wuxuuna ka digay in loollanadaas ay isku bedelaan dagaal hubaysan oo gallaafta dhaqaalaha mandiqadda sida uu hadalka udhigay.
Erdogaan ayaa ugu baaqay madaxda dowladaha geeska in ay khilaafaadka ka dhaxeeya dhaxdooda xallistaan isagoo soo hadal qaaday faragelinta ajnabiga ee gobolka.
wuxuu soo hadal qaaday aqoonsigii ay Yahuuddu siisay maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland wuxuuna carabaabay in aqoonsigaan uu halis weyn gelinayo wax uu ugu yeeray deganaanshiyaha geeska Afrika.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku faanay in dowladdiisu ay maalgashi xooggan gelisay dhaqaalaha xabashida Itoobiya isagoo farta ku goday in Turkigu uu Itoobiya geliyay dhaqaale gaaraya 2.5 Bilyan oo dollar islamarkaana 20 shirkadood Turkish ah ay fursado shaqo siiyeen inkabadan 20 kun xabashi Itoobiyaan ah.
Xukuumadda Riddada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha duullaanka ashahaadda ladirirnimo kusoo qaaday dalka Soomaaliya.