Ergooyinka ka faa’ideystay baaqa ay xarakada Alshabaab udirtay Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamanka waxaa kamid ah haween badan kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray dhulka ay ka taliso Alshabaab.
Lex kamid ah haweenkaasi oo la hadlay idaacada Alfurqaan ayaa sheegay in lagu siray soo xulista xildhibaanada islamarkaana ay noloshooda qatar ku gashay lacago yar oo la siiyay iyadoo looga baxay balan qaad ahaa in kumanaan doolar ah ay heli doonaan.
Haweenkaan ayaa kamid ahaa ergooyinka soo dooratay xildhibaanada Baarlamanka ee laga soo doortay maamulada koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.
Laba kamid ah haweenka ayaa haa kuwa aad uda’yar oo xiliga doorashada ay ka qeybgalayeen lagu siray in loo wadayo waxbarasho jaamacadeed.
Halkan ka dhageyso Codadka Haweenka.