Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarkii Nafhurnimada ahaa ee barqnimadii maanta lagu qaadya kontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa la xaqiijiyay in howlgalkaas Nafhurnimada ah ay ku dhinteen 15 xubnood oo isuga jira ciidamo, saraakiil iyo shaqaale katirsan dowladda federaalka.
Marka laga soo tago dhimashada, tirada dhaawaca ayaa iyadana lagu sheegay 20 ruux, waxaana ay isugu jiraan saraakiil, ciidamo iyo xubno muhiim ah.
Dadka dhaawacay iyo kuwa dhinteyba waxaa ku jira shaqaale katirsan Baarlamaanka iyo Agaasimayaal wasaaradeed, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si cad u sheegatay masuuliyadda.
Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa kontoroolka taagnaa gawaari badan oo ay saarnaayeen masuuliyiin katirsan dowladda federaalka oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada, waana arinta kordhisay khasaaraha.