Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta markale deegaanka Baar Sanguuni ku dhaxmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii weerar dhabbagal ah loo dhigay ciidamo isugu jiray American iyo Bangaraaf kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayay wadada laamiga ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo xooggan iyo hugunka rasaas, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladii maanta dhanka ciidamada maamulka Axmed Madoobe looga dilay Shan askari halka Todobo kale ay dhaawacyo soo gaareen balse lama oga khasaaraha ciidamada caddaanka ah kasoo gaaray qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa ee dhaq dhaqaaqa ka sameeyay aagga Baar Sanguuni ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxayna horay usii qaateen meydad iyo dhaawacyo.