Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dagaallo culus oo saacado badan qaatay oo waaberigii saaka ka bilawday xaafado ka tirsan caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo u dhexeeya dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada Hodan iyo maleeshiyaadka riddada ayaa salka ku haya dhul-boobka uu Murtad Guurte iyo kooxdiisu ka wadaan magaalada Xamar.
Dadka shacabka ah ayaa lagu soo warramayaa inay dagaal adag kala hor-tageen maleeshiyaadka Gurguurte oo doonayay in aroornimadii hore ee saaka ay burburin iyo barakicin ka bilaabaan xaafadaha u dhexeeya saraha African Village iyo barxadda Horseed ee dhabarka dambe ee Tarabuunka ee degmada Hodan.
Dhul-boobka ay kooxda Villa Somaliya ka waddo magaalada oo xarkaha goostay ayaa saaka dadweynaha xaafaddaasi ay si adag uga hor-tageen. Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sida la sheegay maleeshiyaadka riddadu ay u isticmaalayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay xogtu tibaaxayso maleeshiyaadka murtad Gurguurte oo ayaa tiraba dhowr jeer lagu jebiyey dagaalkan, iyagoo gurmadyo ka helaya maleeshiyaadka kala duwan ee riddada, waxaanay goob-joogayaal la hadlay warbaahintu xaqiijiyeen in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dadweynaha ayaa jaray badi waddooyinka soo gala Tarabuunka, waxaana socda bannaanbaxyo xooggan iyadoo waddooyinkana lagu gubay taayirro, isla markaana hal-ku-dhegyada ay dadweynuhu ku dhawaaqayaan ay ka mid tahay Tuugga iyo erayo la mid ah oo ay ula jeedaan Murtad Gurguurte.
Gebi ahaanba waxaa hakad ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgooyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho. Waxaana muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada laga dheehan karaa sida arxan-darrada ah ee maleeshiyaadka riddadu ay hubka culus ugu gummaadayaan dadka shacabka ah.
Waa kuwan qaar ka mida dadweynaha magaalada Muqdisho oo ka hadlaya cadaawadda gaamurtay ee maamulka riddada ee Xasan Gurguurte uu kula kacay shacabka Muqdisho.
Murtad C/Raxmaan C/Shakuur oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cambaareeyey tallaabadan isagoo ayaan-darro ku tilmaamay dilka, dhaca iyo dhul-boobka kooxda Riddadu ay saaka kula jarmaadday shacabka masaakiinta ah.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo maleeshiyaadka Gurguurte iyo dadka shacabka ah weli isku hor-fadhiyaan goobihii lagu dagaallamay. Waxaanay ilo-wareedyo aanu helnay ay sheegayaan in 2 sarkaal ay ka mid yihiin askarta riddada ee dagaalkaasi lagu dhaawacay.
Kacdoonkan dadweynaha ee saaka ka qarxay caasimadda Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli uu xarkaha goostay meeshii ugu xumaydna uu maraayo boobka iyo barakicinta uu Murtad Guguurte iyo kooxdiisu ay ka wadaan magaalada Muqdisho.