Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Sahaayuuniyada ayaa duqayn culus ku beegsaday saraakiil ka tirsan xooggagga Muqaawamada Falasdiin qeybta siyaasadda oo shir ku lahaa caasimadda Dooxa ee dalka Qadar.
Ilo-wareed ka tirsan muqaawamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafti ka mid ah hoggaanka xoogagga oo uu hoggaaminayay Khaliil Al-Xayya ay ka badbaadeen isku day dil oo Yahuuddu ay ku khaarajiso saraakiishaasi.
Qaraxyo dhowr ah ayaa maanta gelinkii dambe laga maqlay xaafadda Alkataarah ee bartamaha magaalada Dooxah qaraxyadaas oo ka dhashay bambaanooyin ay tuurayeen diyaaradaha Yahuudda.
Sidoo kale ilo-wareed dhinaca Yahuudda laga soo xigtay ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Sahaayuuniyadu ay 12 gantaal ku rideen goobo cayiman oo ku yaalla magaalada Dooxa oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal ka tirsan muqaawamada Xamaaas.
Telefishanka Yahuudda ee ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha la beegsaday ay ka mid ahaayeen Khaliil Al-Xayya iyo Zaahir Jabaariin, sidoo kale TV-ga kale ee Yahuudda ee Channel-ka 12 aad ayaa sheegay in weerarka uu beegsaday Khaalid Mashcal.
Xogtu waxay tibaaxaysaa in duqeyntani ay dhacday xilli ay saraakiisha kooxdani ku jireen kulan ay kaga doodayeen soo-jeedintii ugu dambaysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee aheyd in xabbad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Dhinaca kale kiyaanka Sahyuuniga ah ayaa ku faanay weerarkan dhagarta ah ee uu ku beegsaday saraakiisha siyaasadda xoogagga Muqaawamada ,War uu soo saaray xafiiska R/Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha sare ee muqaawamada Falasdiin uu ahaa mid gebi ahaanba madaxbannaan oo iyagu ay fuliyeen mas’uuliyaddiisana ay si buuxda u qaadanayaan.
Wasiirka maaliyadda Yahuudda ayaa yiri “Gacanta dheer ee Israa’iil waxay gaartay magaalada Dooxa waxayna beegsatay hoggaanka argagaxisada Xamaas,majiri doonto meel ay ku nabad gelaan cadowga Israa’iil”.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr qof lagu dilay weerarkan waxaana kamid ah Hammaam Khaliil Alxaya iyo Jihaad Labad oo ahaa madaxa xafiiska hoggaamiyaha muqaawamada ee garabka wadahadallada.
Mas’uul katirsan dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa sheegay in Sahaayinadu ay kusoo wargeliyeen weerarkan ayna u ogolaadeen in bartamaha Dooxa lagu beegsado saraakiisha kooxaha muqaawamada.
Xukaamta dawaaqiidda carabta ayaa sidii looga bartay lasoo degdeg cammbaaraymo aan afka dhaafsiineyn iyagoo aan awoodin in ay qaadaan wax jawaab celin ah.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in dowladda Qadar ay weerarkii Iiraan bilo ka hor ku qaadday saldhigga Mareykanka ee Alcudeyd u adeegsatay gantaallada difaaca cirka oo sawaariikhda badankood ay dhulka soo dhigay laakin weerarkan cusub ee Yahuudda wax ka hortag ah ma sameyn.