Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha.
Howlgalkan waxey Mujaahidiinta ku dileen Askari ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Ridada, Askarigaasi oo ahaa mid si aad ah u dhibi jiray Ganacsatada Suuqa iyo bulshada kale ee usoo adeeg doonata Suuqa Bakaaraha.
Dhanka kale Ciidamada Mujaahidiinta waxey Weerar toos ah ku qaadeen Fariisin iyo Isbaaro Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen Xerada Tadaamun ee Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Weerarkan ayaa khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka, Waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Howlgalo ay ka kala fuliyeen Muqdisho iyo Shabeelada Hoose ay ku dileen Lix Murtad oo isugu jirta Askar iyo Saraakiil.
Calamada.com