Kaddib weeraro ballaaran oo ciidamada maamulka Yahuuddu ka billaabeen gudaha waddanka Iiraan laguna laayay saraakiishii ugu sarreysay ee ciidanka shiicada, ayay jawaabtii ugu horraysay bixisay xukuumadda Tehran, taasi oo beegsatay deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda.
Indhaha caalamka oo kusii jeeday Iiraan ayaa mar qura u weecday Tal’abiib iyo magaalooyinka kale ee Yahuuddu xoogga ku haystaan, waxaana baraha bulshada qabsaday sawirro iyo muuqaallo ka imaanaya bartamaha Tal’abiib, oo muujinayay burburka ballaaran ee ka dhashay duqaymaha Iiraan.
Ciidanka cirka ee dowladda shiicada Iiraan ayaa duqaymo dhanka cirka ah oo ay u adeegsanayaan gantaallo culus xalay ka billaabay deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka sahaayinada, oo ay ugu horrayso magaalada Tal’abiib.
Sawaariikhda Iiraan ayaa beegsaday Tal’abiib, waxayna ku hoobteen guryo la degganyahay iyo goobo la dhigto gaadiidka, waxayna taasi dhalisay burbur aad u baaxad wayn oo gaaray sahaayinada, waxayna gantaalladu is haysteen magaalooyinka kala duwan ee Yahuudda xoogga lagu dajiyay.
Tirakoobyo soo baxaya ayaa xaqiijinaya in khasaaraha ugu xooggan ee soo gaaray Yahuudda uu yahay dhanka maaliyadda, waxaana dhimashada lagu sheegay 3 xubnood oo sahaayino ah oo mid ka mid ah lag dilay gantaal ku dhacay bartamaha deegaannada Yahuuddu xoogga ku haystaan.
Dhaawacyada ayaa aad u badan, muuqaallo la baahiyay ayaana muujinayay dadka sahaayinada ee dhaawacmay oo gaadiidka gurmadka deg degga ah u daabulayaan xarumaha caafimaad ee dhulka hoostiisa ka dhisan.
Iiraan waxay sheegtay inay soo diri doonto dufacaad cusub oo sawaariikh ah, beegsanna doonto saldhigyada ciidan, difaaca hawada maamulka Yahuudda ayaa ku guuldarreystay in uu qabto gantaallada Iiraan.
Dhanka kale, Waxay ciidanka Yahuuddu aroornimadii hore ee saaka mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadeen gudaha Iran, warbaahinta Yahuuddu waxay sheegtay in la beegsaday oo uu dab ka kacay garoonka Mahrabad ee kuyaal caasimadda Tehran, garoonkan waxaa ku dhacay labo gantaal ay ku dhaceen garoonka.
Warbaahinta Iiraan waxay sheegtay inay hawl galisay nidaamkeeda difaaca hawada, wariyeyaal ku sugan Iiran ayaa soo sheegay in qaraxyo laga maqlay meelo kala duwan oo caasimadda ah, maamulka duulista hawada ee Iran ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in la xirayo hawada Iiraan ilaa 2-da duhurnimo wakhtiga maxalliga ah ee dalkaasi.
Iiraan ayaa weerarada maamulka Yahuudda ku waysay hoggaankeedii ugu sarreeyay ee dhanka ciidanka, waxaana laga burburiyay xarumo muhiim ah, falanqeeyayaashu waxay sheegeen in weerarka uu qaadan doono maalmo kale oo dheeraad ah.