Maamulka Xabashida Itoobiye ee uu hoggaamiye Gaal Abiy Axmed oo ku hawllan u-diyaargarowga dagaal uu sheegay inuu kula wareegayo dekedda Casab ayaa furin cusub ku furay maamulka uu garwadeenka ka yahay Asaias Afwerki, madaxweynaha dalka Eretriya.
Koox mucaarad ku ah maamulka Asmara, kana soo jeedda qoomiyadda Canfarta ee ku nool Eretriya oo la baxday Ururka Dimuqraadiga Badda Cas ayuu maamulka Addis Ababa uu si weyn u hubeeyey, isagoo u fidiyey tababarro millateri kadib markii uu mucaskaraad waaweyn uga furay gudaha Itoobiya.
Maleeshiyaad ka tirsan garabka hubaysan ee RSADO, ayaa maalmo ka hor loosoo gabagabeeyey tababarro ciidan oo in muddo saddex bilood ah uga socday gudaha Itoobiya. Waxaanu Ibraahim Haaruun oo ah hoggaamiyaha ururku sheegay in cutubka dufcaddan ku xigi doonaa ay noqon doonto diyaarinta ciidan badeed.
War qoraal ah oo ururkan mucaaradka ah ee Canfartu uu maalmo ka hor soo saaray ayaa lagu shaaciyey in ay bilaabeen hawl-gallo millateri oo ka dhan ah maamulka Asmara, isla markaana jabhaddu ay awood u leedahay in ay fuliso weerarro lagu wiiqayo dawladda Eretriya ee hor-joogaha uu ka yahay Asaias Afawrki.
Jabhaddan ayaa la sheegay in si toos ah ay haatan uga howl-gasho gudaha gobolka Canfarta ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya. Waxaanu hoggaanka ururku caddeeyey in maamulka Canfarta ee daba-dhilifka u ah Abiy Axmed ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin jabhaddooda, kana taageeraan weerarrada ka dhanka ah Eretriya.
Dhaqdhaqaaqa kooxdan boorka laga soo jafay ee mucaaradka ku ah Eretriya ayaa ku soo aadaysa xilli madaxda sare ee maamulka Abiy Axmed, sida Getachew Reda, oo ah la taliyaha ra’iisul wasaaraha ee arrimaha Geeska Afrika iyo Ridwan Xuseen, oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya ay maalmo ka hor gaareen aagga Bure oo u dhexeeya xuduudda labada dal, isla markaana aad ugu dhow dekedda Casab ee dalka Eretariya.
Sida xogihii u dambeeyey ay tibaaxayaan, Itoobiya iyo Eritariya waxay qarka u saaran yihiin dagaal, kaas salka ku haya damaca gurracan ee xukuumadda Abiy Axmed oo dabada ka riixaysa abaabul dagaal oo ay doonayso inay kula wareegto marin-badeedka Eretriya ee Casab, tallaabadaas oo maamulka Asmara uu u arko xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah jiritaankooda.