Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Itoobiya Oo Dardar Xooggan Gelisay Damaceeda Badda, Furin Cusub-na Ku Furtay Eritrea.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Dardar Xooggan Gelisay Damaceeda Badda, Furin Cusub-na Ku Furtay Eritrea.

October 27, 2025

Maamulka Xabashida Itoobiye ee uu hoggaamiye Gaal Abiy Axmed oo ku hawllan u-diyaargarowga dagaal uu sheegay inuu kula wareegayo dekedda Casab ayaa furin cusub ku furay maamulka uu garwadeenka ka yahay Asaias Afwerki, madaxweynaha dalka Eretriya.

Koox mucaarad ku ah maamulka Asmara, kana soo jeedda qoomiyadda Canfarta ee ku nool Eretriya oo la baxday Ururka Dimuqraadiga Badda Cas ayuu maamulka Addis Ababa uu si weyn u hubeeyey, isagoo u fidiyey tababarro millateri kadib markii uu mucaskaraad waaweyn uga furay gudaha Itoobiya.

Maleeshiyaad ka tirsan garabka hubaysan ee RSADO, ayaa maalmo ka hor loosoo gabagabeeyey tababarro ciidan oo in muddo saddex bilood ah uga socday gudaha Itoobiya. Waxaanu Ibraahim Haaruun oo ah hoggaamiyaha ururku sheegay in cutubka dufcaddan ku xigi doonaa ay noqon doonto diyaarinta ciidan badeed.

War qoraal ah oo ururkan mucaaradka ah ee Canfartu uu maalmo ka hor soo saaray ayaa lagu shaaciyey in ay bilaabeen hawl-gallo millateri oo ka dhan ah maamulka Asmara, isla markaana jabhaddu ay awood u leedahay in ay fuliso weerarro lagu wiiqayo dawladda Eretriya ee hor-joogaha uu ka yahay Asaias Afawrki.

Jabhaddan ayaa la sheegay in si toos ah ay haatan uga howl-gasho gudaha gobolka Canfarta ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya. Waxaanu hoggaanka ururku caddeeyey in maamulka Canfarta ee daba-dhilifka u ah Abiy Axmed ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin jabhaddooda, kana taageeraan weerarrada ka dhanka ah Eretriya.

Dhaqdhaqaaqa kooxdan boorka laga soo jafay ee mucaaradka ku ah Eretriya ayaa ku soo aadaysa xilli madaxda sare ee maamulka Abiy Axmed, sida Getachew Reda, oo ah la taliyaha ra’iisul wasaaraha ee arrimaha Geeska Afrika iyo Ridwan Xuseen, oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya ay maalmo ka hor gaareen aagga Bure oo u dhexeeya xuduudda labada dal, isla markaana aad ugu dhow dekedda Casab ee dalka Eretariya.

Sida xogihii u dambeeyey ay tibaaxayaan, Itoobiya iyo Eritariya waxay qarka u saaran yihiin dagaal, kaas salka ku haya damaca gurracan ee xukuumadda Abiy Axmed oo dabada ka riixaysa abaabul dagaal oo ay doonayso inay kula wareegto marin-badeedka Eretriya ee Casab, tallaabadaas oo maamulka Asmara uu u arko xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah jiritaankooda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 37 aad)
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-05-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri

April 26, 2026
Maali Oo Xaqiijisay In La Dilay Wasiirkeeda Difaaca Iyo Weeraro Horleh Oo Maanta Dhacay.
  • Allposts
  • Warar

Maali Oo Xaqiijisay In La Dilay Wasiirkeeda Difaaca Iyo Weeraro Horleh Oo Maanta Dhacay.

April 26, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-11-1447 Hijri.

April 26, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada