Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Jabhadda Oromada Oo Weerar Saraakiil Lagu Dilay Ka Fulisay Magaalo U Dhow Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Jabhadda Oromada Oo Weerar Saraakiil Lagu Dilay Ka Fulisay Magaalo U Dhow Addis-ababa.

February 18, 2025

Jabhadda Xoraynta Oromada ee magaceeda loosoo gaabiyo OLA, ayaa lagu soo waramayaa inay weerar geystay khasaare xooggan ay ku qaadeen magaallada Sululta oo 25 u jirta caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weerarkani uu dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaanu kusoo aaday xilli lagu jiray qaban-qaabada shir-madaxeedka 38-aad ee midowga Afrika oo sabtidii ka furmay magaallada Addis-ababa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uul magaciisa lagu sheegay Abebe Worku, kaasi oo lala dilay rag ka tirsan ilaaladiisa iyo weliba saraakiil kale, inkastoo tiradooda ilaa hadda aan si rasmiya loo xaqiijin.

Kooxda OLA ayaa war ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegtay in iyagu ay fuliyeen weerarkan ka dhacay Sululta, kuna dileen mas’uul sare oo xisbiga barwaaqa-sooranka ee Abiy Axmed ugu magacawnaa degmadaasi, iyo taliyihii nabad-sugidda ee degmada iyo weliba xubno kale oo la socday.

Sidoo kale Jabhadda OLA waxay ku sheegtay bayaankan ay soo saartay, in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo ay ku jiraan dhawr xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka degmadaasi.

Jabhadda Xoraynta Oromada ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkoodan ku shaaciyey inay weerar rogaal-celis ah ku qaadeen deegaanka Arsii ee gobolka Oromada isla markii uu dhacay weerarka Sululta.

Dowladda Saliibiyada ee Xabashida Itoobiya ayay wararku tibaaxayaan in ay qiratay in dad ka tirsan maamulkeedu ay fududeeyeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ay ka fuliyeen Jabhadda OLA.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Xabashida Itoobiya iyo weliba maamulka gobolka Oromada oo ku aaddan weerarkan magaallada Sululta iyo dhacdooyin kale oo dhawaan ka dhacay gobolkaasi.

Jabhadda OLA ayaa si weyn uga hawl-gasha inta badan gobolka Oromada waxaana lala xiriirinayaa kumanaan shacab ah oo ka tirsan qowmiyadda Axmaarada oo lagu laayay dhulka miyiga ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in kooxdu ay ku lug leedahay afduubyo baahsan oo soo noqnoqday, oo inta badan laga qaato madax-furasho.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -19-08-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-08-1446 Hijri.

Related Stories

Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.

October 4, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-04-1447-Hijri.

October 4, 2025
Inka Badan 30 Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Dhisme Kaniisad Oo Kusoo Dumay.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 30 Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Dhisme Kaniisad Oo Kusoo Dumay.

October 4, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada