Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Jawaasiis Lagu Dilay Fagaaro Ku Yaala Wilaayada Shabeelada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Jawaasiis Lagu Dilay Fagaaro Ku Yaala Wilaayada Shabeelada Hoose.

January 12, 2020

Xukunkan oo ay usoo daawasho tageen dad weyne badan ayaa wuxuu ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Muxaadaro kooban oo dadka loo jeediyay kadib, waxaa fagaaraha la keenay Afar xubnood oo eedeysanayaal ah, intaasi kadibna qaadiga Maxkamadda Islaamiga ah ayaa faahfaahin ka bixiyay raggan.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in afartoodaba ay ka tirsanaayeen dowladda Federalka ah waxaana ugu horreeyay 23 jir lagu magacaabo Ayuub Xassan Buraale oo ka tirsanaa maamulka Ashahaado la dirirka Koofur Galbeed ugu magacaaban Kurtun waarreey.

Mar wax laga weydiiyay eeddan ayuu Maxkamadda horteeda ka qirtay isagoo sheegay in uu maalin u tagay nin Xildhibaan ah oo ay isgaranayeen kana dalbaday xil, kadibna loo gudbiyay Wasiir ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo u magacaabay dhirta iyo daaqa Kurtun waarreey.

Maacaabis kadib wuxuu sheegay inuu safar u aaday degaanka Golweyn balse meel dhexe lagu qabtay.

Ninka labaad ee uu qaadigu ka waramay wuxuu ahaa Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Baraawe bulshadana aad ugu dhibi jiray Koontaroolka.

Sida uu qaadigu sheegay, Xassan Cusmaan ayaa maxkamadda ka hor qirtay eeddan, wuxuuna sheegay inuu muddo sadax sano iyo bar ah kamid ahaa askarta maamulka Baraawe, kadibna uu aaday Afgooye si uu beer ugu tacbado, hase ahaatee, maalin ay is arkeen nin ay horey isku yaqaaneen oo ka tirsan DF, lagana dalbaday inuu sirdoon ahaan ula shaqeeyo soona gudbiyo haddey rag ka tirsan Al-Shabaab soo ag-maraan beertiisa, laakin isagoo shaqadaasi ku jira gacanta lagu soo dhigay.

Intaasi kadib, wuxuu qaadigu faahfaahin ka bixiyay eedeysanaha sadaxaad oo lagu magacaabayay Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd, kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay ciidamada DF.

Ninkan ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu ka tirsan yahay ciidanka Dowladda Ridada Federaalka, lana shaqeynayay muddo 7 bilood ah, kadibna la qabtay isagoo ku jira safar uu ku aadayay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale eedeysanaha afaraad ayuu qaadigu tafaasiil ka bixiyay, waxaana uu magaciisu ahaa Xuseyn Xassan Geelle oo 30 sano jir ahaa iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahahy ciidanka Dowladda Ridada Federaalka.

Qaadiga ayaa xusay in markii jawaab laga dalbay ninkan uu sheegay inuu muddo Afar bilood ah kamid ahaa ciidamada dowladda, kadibna uu yimid tuulo u dhow degaanka Dacaaraha lana soo qabtay.

Kadib markii ay Maxkamaddu dhageysatay waxa lagu soo eedeeyay afartooda iyo jawaabahooda oo qiraal ahaa una bandhigtay shareecada islaamka, sida uu qaadigu fagaaraha ka sheegay waxay ku xukuntay Xukun dil ah iyadoo lasoo bandhigay maraajicda loo cuskaday ahaa labo xadiith oo ka sugan Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam.

Afartoodaba fagaaraha ayaa lagu toogtay, dadkuna waxay ku dhawaaqayeen takbiirta. Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamaa iney leedahay Garsoor hufan waxaana dhowr jeer sidaasi warbaahinada ka sheegay Madax iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Dilka Taliyihii Nabad Sugidda Degmada Qoryooley.
Next: Weeraro Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Kala Dhacay Duleedyada Kismaayo Iyo Boosaaso.

Related Stories

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Cape Town.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Cape Town.

November 22, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-06-1447 Hijri.

November 22, 2025
Dagaallo Lagu Hoobtay Oo Markale Ciidanka Abiy Iyo Fallagada Fano Ku Dhex-maray Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Lagu Hoobtay Oo Markale Ciidanka Abiy Iyo Fallagada Fano Ku Dhex-maray Amhara.

November 22, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 37 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 37 aad)

October 27, 2025

Sawirro

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada