Wasiirka arrimaha dibadda kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Cabdisalaan Dhaay, ayaa sheegay in kooxdiisu wayday taageero dhanka ammaanka ah oo ay ka heli jireen dhanka dowladda Riddada ah ee Imaaraadka Carabta.
Wuxuu xaqiijiyay in dowladda Imaaraadku joojisay bixinta taageerada amni ee ay siin jirtay kooxdiisa, taageerada laga goostay ayuu sheegay inay salka ku hayso burinta ay ku sameeyeen heshiisyadii ay kula jireen xukuumadda uu fadhigeedu yahay Abuu Dubaay.
Murtad Cabdisalan Dhaay wuxuu tilmaamay in taageerada ay lumiyeen ay ku koobnayd kaliya dhanka ciidamada iyo amniga, markii ay meesha ka saareen heshiisyadii ay kula jireen dowladdaasina ay meesha ka baxday taakuladaasi.
“Taageerada ay dowladda Imaaraadku bixin jirtay badankeeda waxay ku koobneyd dhinaca ciidamada. Maaddaama heshiisyadii laga baxay, ma jirto sabab muuqata oo taageeradaas ay ku sii socon karto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Imaaraadka, ayuu tilmaamay in uu weli yahay mid jira oo aan go’in, balse go’aankooda uu saameeyay kaliya inay waayaan dhaqaalihii uu Imaaraadku ku bixin jiray dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.