Kooxo Soomaali ah ayaa lasoo warinayaa in ay maalin ka hor gacanta ku dhigeen Markab laga leeyahay dalka Shiinaha, kaasi oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay xeebaha Bandarbeyla ee gobolka Bari ee uu gacanta ku hayo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Puntland, waxaana ilo wareedyo maxalli ah sheegeen in markabka uu xaaluf ba’an ku hayay kalluunka ku jira biyaha deegaankaasi.
Vanguard Tech oo ah shirkad la-tashiga amniga badaha ayaa baahisay xogta markabka ay gacanta ku dhigeen kooxaha Soomaalidu, waxayna sheegtay in markabkan la qafaashay oo lagu magacaabo (Liao Dong Yu 578) lagu qabtay meel u dhow xeebta Bandarbayla.
Waxay intaas ku dartay in kooxaha afduubka gaystay ay weerarkaan fuliyeen galabnimadii hore ee waqtiga maxalliga ah 1-da bisha January, waxay xustay in laga shakisan yahay in kooxdu qorsheynayso in shaqaalaha markabka ay u haystaan madax-furasho.
Ilo wareedyo kale oo degaanka ah ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, 2 xubnood oo midi Soomaaliya yahay halka kana kalena ajnabi yahay ayaa lasoo wariyay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar dhacay ka hor afduubka.
Waxaa tani lagu tilmaamay dhacdadii 2-aad oo kooxo hubeysan oo Soomaali ah ku qabsadaan Markabkan shiinaha laga leeyahay, bishii November 2024-kii ayay sidan oo kale u afduubteen kooxaha Soomaalidu, waxayna markabka shaqaalihii lasoo socday ka qaateen lacago madax furasho ah oo malaayiin dollar lagu sheegay.