Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Labo Trillion Oo Doollar Oo Uu Maraykanku Ku Waayay Dagaalka Afqaanistaan.(Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

Labo Trillion Oo Doollar Oo Uu Maraykanku Ku Waayay Dagaalka Afqaanistaan.(Warbixin)

March 3, 2020

Machad ka faallooda arimaha dagaallada oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday qarashka Maraykanka uga baxay duulaanka 19 sano jirsaday ee uu 2001-dii wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan.

Machadkan oo ay si wadajir ah u aas-aaseen jamaacada Barawn iyo Boston ee ku yaala wadanak Maraykanka ayaa qiimeyn sanado badan qaadatay kadib, wuxuu daaha ka rogay in Maraykanku uu lacago xad dhaaf ah ku bixiyay duulaanka uu ku qaaday wadanka Afqaanistaan.

Tan iyo 2001-dii illaa iyo 2020-ka, wuxuu Maraykanka ku qarash gareeyey dagaalka Afqaanistaan lacag ka badan 2 Trillion oo dollar, sida uu sheegayo machadka Costs of War ee fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka.

Si guud dhaqaalaha Maraykanka uga baxay dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Muslimiinta, uuna ka hurinayo wadamo dhowr ah oo katirsan caalamka Islaamka, waxay gaaraysaa 6.4 Trillion oo dollar, sida uu sheegayo machadka.

Warbixin dhawaan uu baahiyay wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in dagaalka Afqaanistaan uu Maraykanka ku bixiyay lacag gaareysa inkabadan labo trillion oo dollar, waana tirada uu hadda shaaciyay machadka Costs of War ee ka faallooda arimaha dagaallada.

Washington Post waxay intaa ku dartay in dagaalka Afqaanistaan lagu dilay 6300 oo askari oo Maraykan ah, waxayna dad badani aaminsanyihiin in tirada ciidamada Maraykanka looga dilay Afqaanistaan ay aad uga badantahay intaas.

Marka laga hadlo tirada guud ee ciidamada Maraykanka, kana qeybgalay dagaalka Afqaanistaan waxay gaarayaan lix boqol oo kun oo askari, kuwaas oo 18-kii sano ee lasoo dhaafay isku bed bedelayay wadankaas, waxaana hadda Afqaanistaan ka jooga 12 kun oo askari.

Xukuumadihii is xig xigay ee Maraykanka soo maray ayaa aad uga gaabsanaya ka hadalka dhaqaalaha Maraykanka uga baxay duulaanka Afqaanistaan iyo tirada ciidamada uu ku waayay dagaalkaas, waxaase Maraykanku Afqaanistaan u arkaa inuu yahay mid uu ku khasaaray oo ay tahay in si deg deg ah loo soo afjaro.

Dhawaan ayaa maamulka Trump wuxuu si cad u sheegay in afar iyo toban bilood gudahood uu guud ahaa ciidamadiisa kala soo bixi doono wadanka Afqaanistaan, ayna reer Afqaanistaan dhisanayaan maamulka ay doonaan.

Haddii ka bixitaanka Maraykanka ee Afqaanistaan uu dhab noqdo, waxay ka dhigantahay in imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ay la wareegto inta uga dhiman Afqaanistaan oo la eg 20%, maadaama ay hadda si buuxda u maamusho cel celis ahaan 80% masaaxada guud ee dalka Afqaanistaan.

Siyaasiyiinta Maraykanka iyo warbaahintooda ayaa sheegaya in Maraykanka uu kasoo baxayo Afqaanistaan isagoo jabay, kuna khasaaray dhaqaalihii iyo ciidankii uu u huray dagaalka Afqaanistaan ee labaatanka sano ku dhow, maadaama aanu xaqiijin hadafkii uu lahaa oo ahaa inuu kha takhaluso imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, dalkana ka hirgeliyo dowlad isagu gacanta ku hayo, oo Dimuqraadiyad iyo wax lamid ah dalka ku hagta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso: Sheekh Nuur Macallin C/Raxmaan Oo Ka Hadlay Cudurka Carona Virus.
Next: Askar Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-02-1447-Hijri.

August 12, 2025
Wargeyska The Telegraph: Daruurta Kacdoon Islaami Ah Oo Dul-hoganaysa Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Wargeyska The Telegraph: Daruurta Kacdoon Islaami Ah Oo Dul-hoganaysa Somalia.

August 12, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-02-1447 Hijri.

August 12, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada