Maamulka ashahaada la dirirka ah ee la baxay Somaliland ayaa amarro cusub ka soo saarey dadka ka dhoofaya madaarrada maamulkaasi in ay sii maraan Muqdisho.
Wasaaradda Duulista iyo Madaaradda ee maamulka goonni-goosadka ayaa tan ku macneeyay in ay tahay tillaabo looga hortagayo wax ay ku sheegeen “Qatar Amni”.
Go’aankani waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay kor u kacday arrinta la xiriirta nidaamka hawada ee Soomaaliya.
Dhawaan ayaa Dowladda Federaalku soo saartey nidaamka E-visa kaas oo Somaliland ka carootey.
Maamullada fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Hargeysa ayaa khilaafkoodu meeshii ugu sarraysay gaaray isbuucdyadii ugu dambeeyay.
Kooxda Gurguurte waxay markale soo rogtey in gaadiidka badda ee Soomaaliya aadayaa in ay iska diwaan galiyaan nidaam lamid ah kii E-visa ee fashilmay.
Nidaamka badaha ee kooxda Federaalku soo rogtay ayaa magaciisa lagu sheegay ECTN.