Guutooyinka Madaafiicda Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacday saldhiga Maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Jubbaland iyo kuwa Bangarafta ee sida gaarka ah u tababaratay Dowladda Saliibiyadda Maraykanka ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Madaafiicda ayaa ku hoobtay gudaha xerada ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana baqdin soo wajahday ciidamadii joogay goobta oo kala firxaday.
Waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Ciidamada Murtadiinta ee ku sugan Saldhiga, Waxa uu khasarahaasi isugu jiraa Naf iyo Maal.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa soo noq noqday duqeymaha milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaacayaan saldhiga Baar Sanguuni oo fariisin u ah ciidama katirsan maamulka Jubbaland iyo ku hoostaga Maraykanka.
Mid kamid ah duqeymaha lagu garaacay Baar Sanguuni waxaa lagu dilay askari Maraykan ah halka lagu dhaawacay saddex kale oo Ameerikaan ah.
Wilaayaadka iyo raayadaa Wayne Ina siiyey
Wahsi iyo kumay Iman inaan wadamo tuug naaye
Wiilal baa naftoodi u huray wacad Ilaahaye
Wadaad xume kufriga nooga daran oo fatwada wiisha
Wacad qabe sandiiqaa kubadan oon wax deeqayne
Dila oo wadnaha Jara kufray wada uraaceene